In ka Badan 1 Milyan oo qof oo Laga Daad-gureeyey Duufaan ku Dhufatay Filibiin.

Nov 9, 2025

Dalka Filibiin oo dhaca koonfur-bari qaaradda Aasiya, kana kooban jasiirado fara badan oo ku yaalla badweynta Baasifigga ayaa sannadkan marti-geliyey mid ka mida duuffaannada ugu halista badan ee ka dhacay dunida guudkeeda.

Duufaantan oo loogu magac-daray Super Typhoon Fung-wong ayaa ku dhufatay xeebaha waqooyi-bari ee dalka, waxaanay jartay korontadii magaalooyinka. Iyadoo dad ka badan hal milyan oo qof laga daad-gureeyey guryihii ay deggenaayeen.

Wasiirka difaaca ee dawladda Filibbiin oo maanta oo saacado ka hor la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray digniin, waxaanu dadweynaha ku amray in ay si degdeg ah uga baxaan tuulooyinka halista ah ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

Duufaanta Fung-wong, oo wadata roobab xooggan iyo dabaylo gaaraya 1,600-kilometer, ayaa kasoo soo dhowaatay dhinaca Badda Baasifiga iyadoo Filibiin ay weli la tacaalayso burburka duufaantii Kalmaegi, taasoo Talaadadii lasoo dhaafay ugu yaraan 224 qof ku dishay gobollada jasiiradaha dhexe ka hor inta aysan ku dhufan Vietnam.

Madaxweynaha Filibiin Ferdinand Marcos Jr. ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah sababo la xiriira burburka baaxadda leh ee duufaanta Kalmaegi iyo musiibada la filayo inay ka dhalato duufaanta cusub ee Fung-wong oo xooggeedu uu bilaabmay maanta oo Axad ah.

Duufaanta Fung-wong oo wadata dabayllo xoog badan, oo guud ahaan gaaraya ama ka badan 185 km/saacaddii, ayaa maanta ku dhufatay xeebta magaalada Pandan ee gobolka Catanduanes ee bariga dalkaasi, halkaas oo roobab xooggan iyo ceeryaamo ay is-xireen.

Sida la saadaalinayo, duufaanta ayaa la filayaa in maalmahan soo socda ay u dhaqaaqdo dhanka waqooyi-galbeed isla markaana garaacdo xeebaha gobollada Aurora ama Isabela. Waxaana halis ku jira in ka badan 30 milyan oo qof sida uu sheegay Xafiiska Difaaca Rayidka.

Wasiirka Difaaca Filibiin ninka lagu magacaabo Gilberto Teodoro Jr, ayaa isagoo telefishanka ka hadlaya sheegay in duufaantu ay saameyn karto dhul ballaaran oo dalka ka mid ah, oo ay ku jiraan Cebu, gobolka dhexe ee ugu daran ee ay Kalmaegi ku dhufatay iyo Manila oo ah caasimadda Filibiin.

Duufaanta Fung-wong markii ay soo dhowaatay iyadoo wadata dabaylo iyo roobab xooggan, dhowr magaalo iyo tuullo oo ku yaalla bariga ayay korontadu ka go’day, sida uu sheegay Bernardo Rafaelito Alejandro, ku-xigeenka maamulaha Xafiiska Difaaca Rayidka.

Maamulka gobollada waqooyi ee la filayo in duufaanta Fung-wong ay ku dhufato ama ay saamayn xun ku yeelato ayaa si horudhac ah u joojiyay iskuullada iyo xafiisyada dowladda maalmaha ka bilaabanaya berritoole ee Isniinta iyo Talaadada.

Ugu yaraan 325 duullimaadyo gudaha ah iyo 61 duullimaad oo caalami ah ayaa gebi ahaanba la kansalay, waxaana in ka badan 6,600 qof oo rakaab ah iyo shaqaale xamuul ah ay ku xayirmeen ugu yaraan 109 dekedood, halkaas oo ilaalada xeebaha ay mamnuuceen dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Mas’uuliyiinta Filibiin waxay ka digeen halis ay sheegeen in heerkeedu sarreeyo khatarna ku ah nolosha bani’aademka iyo daaddad xoog leh oo ka badan 3 mitir oo ku dhici kara xeebaha in ka badan 20 gobol iyo deggaan, oo ay ku jirto caasimadda dalkaasi ee Manila.

Filibiin waxaa sannad walba ku dhufta dhawaad 20 duufaan iyo roobab xooggan. Waxa kale oo si joogta ah u garaaca dhul-gariirro, iyadoo ay jiraan in ka badan toban buurood oo laga cabsi qabo in folkaano ka qarxo, waxaanu waddankani noqonayaa mid ka mida dalalka ugu halista badan musiibooyinka dabiiciga ah.