IMF oo Lacag hor leh oo Deyn ah u Saxiixday Ukrain Xilli Midii Hore Aysan Kyiv Bixin.

Nov 20, 2024

Waxa loogu yeero Sanduuqa lacagta ee IMF ayaa lacag deyn ah saxiixay Ukrain xilli aysan bixin boqolaalkii Milyan ee horay loogu lahaa.

Sida uu daabacay wargeyska Al-Sharqul Awsad xukuumada Kyiv ayaa saacadihii lasoo dhaafay loo saxiixay aduun lacageed oo gaaraya ilaa 1.1 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah, waxayna ka heleysa dhanka Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF.

Xogta joornaalku waxay intaasi ku dareysaa in isku geynta lacagta guud ee ay Kyiv ka heshay dhanka IMF ay gaareyso 9.8 bilyan oo dollar, waan tan iyo markii uu bilwoday dagaalkan ay kula jirto dhigeeda Moscow.

Markii ay soo gaba gaboobaan colaadaha ka dhax oloolsan Labada dhinac ayaa lagu waramayaa in Ukrain ay ku adkaan doonto gudida lacaghan deymaha ah ee ay soo qaadatay, maadaama uu hoos u dhac balaaran uu ku yimid GDP-ga wadanka, soo kabashaduna ay qaadan karto waqti badan.

FAAFREEB PRO