Imaarada Islaamiga Afghanistan oo Wadanka ka Mamnuucday mid Kamida Ciyaaraha Khammaarka ah.

May 13, 2025

Sida ay nashirsay saxiifada Ray’ayul Youm imaarada islaamiga ah ee Taalibaan ayaa si guud u mamnuucday ciyaarta Shataranjiga ama Chess-ka oo ay si aad ah sanadihii ugu dambeeyey ay u qabatimeen qaar kamid ah shacabka reer Afghanistaan, waana mid kamdia h ciyaaraha laga soo meen guuriyey dalalka reer yurub.

Ataal Mashwani oo kamid ah howlwadeenada hay’ada reebida xumaanta iyo farida wanaaga oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP saxiifaduna ay soo xiganeyso ayaa sheegay in gudaha Afghanistaan laga joojiyay ciyaarta Chess-ka.

Mid kamid ah milkiilayaasha maqaayadaha ugu waaweyn caasimada Kapul oo saxiifada la hadlay ayaa sheegay in maalin walba ay dhalinyaro badan ay isugu yimaadaan halkan si ay u ciyaartan waqtigooda ugu lumiyaan halkii ay howlo kale qabsan lahaayeen, waana mid kamid ah asbaabaha ay imaaradu ciyaartan u mamunuucday.

Waxaa horay sidaan oo kale dowlada islaamiga ah ee Afghanistaan ay u mamnuucday ciyaaro dhowr ah oo ay kamid tahay ciyaaraha fanka ee ay wada mushaarakeenayaan raga iyo dumarka

FAAFREEB PRO