Imaarada Isaamiga Afganistan iyo Dawladda Ridada Pakistan oo Gaaray Heshiis Xabbad-joojin ah.

Oct 19, 2025

Wadahadallo sabtidii shalay u furmay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan iyo dawladda Riddada Pakistan ayaa lagu soo gabagabeeyay dalka Qatar, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad-joojin deg-deg ah oo laga gaaray dagaalkii dhawaan ka dhex-qarxay labada dhinac.

Heshiiskan oo la shaaciyey habeennimadii xalay ayaa yimid kadib dagaal culus oo ku dhawaad muddo usbuuc ah ka socday xuduud-beenaadka u dhaxeeya dawladda Islaamiga ah ee Afganistan iyo dawladda Riddada Pakistan.

Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afganistaan Dabiixullah Mujaahid iyo Wasiirka Difaaca Pakistan, Murtad Khawaaja Muxammad Aasif, ayaa labadooduba waxay xaqiijiyeen in la gaaray xabbad-joojin rasmiya, isla markaana loo ballamay kulan dambe oo qabsoomiddiisa loo asteeyey inuu dhaco dabayaaqada bishan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Riddada Qatar, oo wadahadalkan dhexdhexaadinaysay ayaa sheegtay in kulamada xiga lagu gorfayn doono xaqiijinta hir-gelinta iyo sii socoshada xabbad-joojinta ay saxiixeen Imaarada Islaamiga Afganistan iyo dawladda daba-dhilifka ee Pakistan.

Xabad-joojintan ayaa imanaysa kadib markii dhawaan iska hor-imaad dhex-maray labada dhinac, kaas oo ay sabab u ahayd Pakistan, kadib markii ciidankeeda Riddadu weerarro gardarro ah ka fuliyeen gudaha Afganistan, sidoo kalena diyaaraheeda dagaalku ay duqaymo lagu beegsaday dad rayid ah ku beegsadeen magaalooyin ay ku jirto caasimadda Afgnistan ee Kabul.

Ciidamada Imaarada Islaamiga Afganitan ayaa jawaab kulul ka bixiyey weerarkaasi, waxaanay dhegta dhiigga u dareen ugu yaraan 50 askari oo ka tirsan ciidanka Riddada Pakistan. In ka badan 100 askari oo kalena waa ay dhaawacaeen. Waxa kale oo ciidanka mujaahidiintu ay la wareegeen dhowr iyo labaatan saldhig iyagoo dagaalladaasi kusoo qaniimaystay hub fara badan iyo gaadiid dagaal.

Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda islaamiga Afganistan ayaa ku eedeeyey maamulka Pakistan in ay fulinayaan ajandayaasha dhagaraysan ee NATO ee ka dhanka ah awoodda islaamiga ah ee ka hana-qaadday dalka Afganistan.