Imaaraatka Carabta oo ku Dhawaaqay in uu Kooxda Gurguurte ka Jartay Malaayiin Dollar.

Jan 19, 2026

Markii ugu horraysay xukuumadda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijisay in ay joojishay lacagihii ay ku maalgelin jirtay kooxda Riddada Soomaaliya xilli uu khilaag soo kala dhaxgalay labada dhinac.

Mas’uul katirsan xukuumadda Imaaraatka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay joojiyeen lacag dhan 5 Milyan oo dollar ah, lacagtaas oo bil walba lasiin jiray kooxda Riddada.

Lacagtan ayay imaaraatku sheegeen in mushaaraadka iyo saad looga dhigi jiray maleeshiyaadka murtadiinta gaar ahaan kuwa loo yaqaan Boolis Millitaaro.

Dhinaca kale xukuumadda Riddada ayaa qirtay in Imaaraatku ay ka jareen lacago malaayiin dollar ah oo ay ku sheegtay kabka miizaaniyadda iyo taakuleynta ciidamada.

Kamaal Guutaale oo ah agaasimaha xafiiska R/wasaaraha Kooxda Ridada ayaa qoraay uu faafiyay ku sheegtay in lacagta Imaaraatku jartay ay aheyd 3,6 Milyan oo dollar taas oo bil walba ay heli jireen balse wuxuu beeniyay in lacagtaas lajaray bishan isagoo carabaabay in 2 sano ka hor lajaray.

Kooxda Ridada ayaa dacmiga Imaaraatka ku sheegtay mid sun ah oo ay ku bedelanayeen dhismaha maleeshiyaad iyo kiyaanaat gooni goosad ah sida hadalka loodhigay.

Dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta iyo kooxda Ridada soomaaliya ayaa dhabarka isku jeediyay kadib markii nidaamka Aala Sacuud uu cadaadis saaray Xasan Gurguurte.