Maamulka Trump oo dib u Eegaya Siyaasaddiisa Soomaaliya Kadib Fashilka Duullaankiisa.

Oct 25, 2025

International Crisis Group (ICG) oo ah hey’ad caalamiya oo diiradda saarta xasaradaha adduunka ayaa jimcihii shalay baahisay warbixin cusub oo ay ku lafa-gurtay dibu-qaabaynta siyaasadda maamulka Trump ee Soomaaliya kadib fashilka ku yimid duullaanka gardarrada ah ee muddada badan ka socday Soomaaliya, caqabahadaha is-barkan ee ku gedaaman kooxda Villa Somaliya, iyo ugu dambayn talo-soo-jeedin ay u dirtay maamulka Trump.

Hey’adda ICG, waxay ugu horreyn warbixinteedan kusoo bandhigtay walaaca iyo niyad-jabka uu Maraykanku ka qaaday fashilka ku yimid duullaanka gardarrada ah ee muddada ka badan labaatanka sano uu ka waday dalka Soomaaliya. Waxaanay tiri iyadoo arrimahan ka hadlaysa:

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ma uusan muujin xiise weyn oo uu u qabo sii joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, maadaama uu ka niyad-jabay. Waxaana xusid mudan, khudbad dheer oo 30-ka bishii Sebtember ee laso dhaafay uu u jeediyay saraakiisha sare ee ciidamada Mareykanka, uu in Trump tusaale usoo qaatay sida aan mar dambe Soomaaliya loogu adeegsan karin ciidamada Mareykanka.

Isfaham la’aan ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Maraykanka Soomaaliya, waxay muujin kartaa in maamulka Trump ee doonaya in ciidamada laga saaro Soomaaliya, uu haddana og yahay in bixitaan deg-deg ah uu keeni karo cawaaqib-xumo – sida in dalalka kale ee taageera dawladda oo iyaguna isaga hulleela Soomaaliya iyo awoodda Al-Shabaab oo sii laba-kaclaysa.

Warbixintu waxay xustay in maamulka Trump uusan ahayn kii ugu horreeyay ee dhibbanaha u ah siyaasadda Soomaaliya. Sanado badan, Mareykanka wuxuu garab taagnaa maamulka taagta daran ee federaalka, isagoo ka caawinayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xilli Washington ay kasii niyad-jabaysay hoggaanka Muqdisho iyo mashruuca fashilmay ee dhismaha dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Hey’adda International Crisiss Group waxay warbixinteedan kusoo gudbisay saddex fikradood oo kala duwan oo ay ku tilmaantay inay yihiin guuxa ka dhex-jira gudaha Washington, kuwaas oo salka ku haya joogitaanka Maraykanka ee Soomaaliya.

1- dadka qaar waxay dhaleeceeyaan, una arkaana in joogitaanka Maraykanka ee Soomaaliya uu qayb ka yahay “dagaalkan aan dhammaadka lahayn”. Sidaas darteed kooxdani waxay rabaan in si degdeg ah loo dhimo joogitaanka Maraykanka ee Soomaaliya.

2- Kuwo kale waxay qabaan in Mareykanka ay dantiisa uga fiicani ku jirto in uu diiradda saaro Somaliland oo ah maamul iskiis u madax bannaan oo istaraatiiji ah, kaas oo sheegtay inuu ka go’ay Soomaaliya, go’aankaas oo Soomaaliya ay ka xumaatay.

3- Fikradda saddexaad ayaa soo jeedisay in Trump uu raaco dariiqa maamulladii hore ee Mareykanka, kuwaas oo guud ahaan aaminsan in sii joogitaanka Soomaaliya, ay tahay xulashada ugu dhibaatada yar. Sida uu sheegay maamulkii hore ee Biden oo dariiqan ugu yeeray “kharash yar, halis yar”, inkastoo uu si dadban u qiray in tallaabadani aysan wax badan ka tari doonin dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Iyadoo hey’adda ICG ka dayrinaysa saddexdan fikradood, xulashadoodana ku tilmaantay kuwo aanay mahadin doonin shisheeyaha iyo dabadhilifyadooda ayaa tiri:

– Ka-bixitaanka degdegga ah wuxuu albaabada u furi doonaa koboca awoodeed ee kooxda Al-Shabaab.

– Taageeridda madax-bannaanida Somaliland-na, ma xallin doonto dhibaatooyinka Soomaaliya, waxayna keeni kartaa iska hor imaad ka iman kara awoodaha gobolka, kuwaas oo ka cabsanaya in kala-dhantaalidda Soomaaliya uu dalalka kalena ku abuuro kala qaybsanaan.

– Geesta kalena sii wadista xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya, waxay Mareykanka ku hayn kartaa wareeg muuqda oo aan dhamaad lahayn, marka loo fiiriyo heerka horumarkan fadhiidka ah.

Kooxda Crisis Group waxay warbixintoodan ku xustay in maamulka Trump uu ku hawlan yahay qorshe cusub oo uu daanayo inuu dibu-eegis ku sameeyo siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, isagoo raba inuu isaga baxo dalka Soomaaliya.

Warbixinta ICG, iyadoo dhanka kalena tooshka ku ifisay kalsooni-darrada ku habsatay Maraykanka iyo sida uu ugu fashilmay dagaalkiisa uu muddada ka badan labaatanka Sano uu ka waday Soomaaliya ayaa waxay tiri:

Tan iyo xilligii Madaxweyne George W. Bush (2001–2009), Mareykanka wuxuu si qoto dheer ugu lug lahaa arrimaha Soomaaliya, iyadoo maamul walba oo isbedelay uu raacay yoolal isku mid ah. Ujeeddada Mareykanka waxay ahayd in la wiiqo Al-Shabaab, isla markaana dowlad dimuqraadiya looga dhiso Soomaaliya, taas oo la rabay inay awood u yeelato iska caabbinta Al-Shabaab, iyada oo aan taageero dibadeed oo badan u baahnayn.

Si taas loo gaaro, Mareykanku wuxuu maal-geliyay oo tababaray cutubka gaarka ah ee Danab, wuxuuna siiyay taageero cirka ah oo lagu fuliyay weerarro ka dhan ah Al-Shabaab. Isla waqtigaas, Mareykanka wuxuu Balaayiin doollar ku shubay Soomaaliya, si uu u xoojiyo dowladda federaalka, taas oo qabyo ah tan iyo markii ay burburtay xukuumaddii Siyaad Barre ee 1991-kii. Sanado ka hor inta uusan bilaabmin muddo-xileedkan dambe ee Trump, Mareykanka wuxuu ahaa maal-geliyaha ugu weyn ee dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Natiijada maal-gelintani waxay noqotay mid lagu hungoobay. Maadaama dhismaha dimuqraadiyadda Soomaaliya uu noqday mid hagaasay ama gaabis ah. Taas beddelkeeda, Al-Shabaab oo dedaal walba oo la geliyey la-dagaallankeeda, dhiig badanna ku daatay, haddana weli waxay tahay khatar weyn oo jirta oo ka dhan ah dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, ma jiraan calaamado muujinaya in dawladda federaalku ay horumar ku socoto, waxaana cad in ay ku guul-darraysatay dagaalka Al-Shabaab, xilli Mareykanka iyo dalalka kale ee la hawl-galaaba ay dareemayaan xaalad gacmo-daalis ah, isla markaana ay si weyn u danaynayaan inay soo afjaraan dhiig-baxa millateri iyo midka dhaqaale ee kaga socda Soomaaliya.

Marka laga soo tago dhabar-jabka iyo dhiig-baxa guud ee ay lasoo dersay shisheeyaha, waxay International Crisis Group ay sidoo kale gaar u xustay caqabadaha kale ee ay la tiicayso kooxda Villa Soomaaliya, waxaanay ICG iyadoo arrintan ka hadlaysa ay tiri:

Maamulka Muqdisho, waxa uu geesta kalena gorodda kula jiraa khilaafyo culus oo xallintoodu ay adag tahay, kuwaas oo kala dhexeeya maamul-goboleedyada, sida Puntland oo 2023-kii joojisay wada-shaqayntii ay la lahayd Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jira khilaaf weyn oo ka dhex aloosan siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Muqdisho oo ku saabsan qaabka loo qabanayo doorashooyinka 2026-ka. Waxaana jirta cabsi sii kordhaysa oo ah in uu soo bixi karo muran cusub oo la mid ah kii dhacay 2021, markaasoo madaxweynihii hore Farmaajo uu isku dayay in uu kordhisto muddo-xileedkiisa, taasoo keentay rabshado ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhibaato kale ayaa iyaduna jirta, taasoo ah xiisadda u dhaxaysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo ah gobol ku yaalla waqooyiga dalka oo leh taariikh gumeysi oo ka duwan inta kale ee Soomaaliya. Waxaanay 1991-kii ku dhawaaqday inay ka madaxbannaan tahay Soomaaliya, taas oo Muqdishona ay diidmo cad kala hor-tagtay.

Warbixinta ICG, iyada oo tilmaamaysa sida ay kooxda Villa Somaliya u lumisay xiriirkii ay la lahayd waxa loogu yeero beesha caalamka, tooshkana ku ifinaysa itaal-darrida ciidamada huwanta iyo guud ahaan maamulka Gurguurte, sheegashadooduna tahay afka baarkii, sidoo kalena muujinaysa in Kooxda Riddadu aysan jirin wax dan ah oo ay ka leedahay shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxay tiri:

Marka la eego xaaladdan, xiriirka caalamiga ah ee dawladda Soomaaliya wuxuu ku jiraa xaalad hakad ah. Xoogagga Al-Shabaab na weli waa khatar weyn oo ku wajahan dowladda federaalka, Mareykanka iyo la-hawlgalayaasha kalena waxay ka fiirsan doonaan yareynta taageerada millateri ee goor walba ay la barbar taagan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM.

Ciidamada huwanta ah ee ka dagaallama Soomaaliya awood uma laha in Al-Shabaab ay ka saaraan goobaha ay joogaan. Sidoo kalena dawladda federaalka way ku adkaan lahayd in ay sii xejisato xaaladdan taag-darrada ah ee ay ku jirto, haddii aanay helin taageeri millateri oo ballaaran oo Maraykanka, AUSSOM iyo dalalka kaleba ka imanaysa, xittaa iyadoo waxaas oo taageero ah helaysa, ayaa haddana mararka qaarkood hawshu waxay u muuqataa mid adag.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ma arkaan wax faa’iido ah oo ay ka helaan dowladda. Mana jirto dowlad ka jirta meel ka baxsan Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn ee ay ciidamadu ku sugan yihiin. Deegaannada miyiga ah ee ka baxsan xarumahaas, dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyaduba kuma laha wax joogitaan ah oo muuqda, adeegna ma bixiyaan, sidoo kalena ma jirto wax saamayn ah oo ay ku leeyihiin nolosha dadka.

ICG, waxa kale oo qoraalkeedan ay kusoo gudbisay dhibaatada ay dhex-dabbaalanayso Washington, kadib fashilka ay kala kulanta jihaadiyiinta Soomaaliya, iyo welwelka hareeyey bixitaankeeda. Iyadoo hey’addu ay si cad u sheegtay in Maraykanku aanu awood millateri kaga adkaan karin jihaadiyiinta Al-Shabaab. Waxaanay warbixintu iyadoo arrimahan ka hadlaysa ay tiri:

Madaxweyne kasta oo Mareykan ah tan iyo George W. Bush wuxuu wajahaa dhibaatadan isku midka ah ee loodin la’aanta dagaalyahannada Al-Shabaab, wuxuuna ka tagaa xafiiska isagoon xal u helin awoodda sii kobcaysa ee jihaadiyiinta.

Maraykanku wuxuu leeyahay saameyn weyn. Waxaanu sidoo kale leeyahay cod aad u weyn oo saameyn ku leh qaabka ay quwadaha kale u qaabeeyaan siyaasaddooda Soomaaliya. Sidaas darteed, iyada oo la tixgelinayo saameynta siyaasadeed ee caalamiga ah, awoodda milateri iyo miisaaniyadda, waxa uu Mareykanku ka sameeyo Soomaaliya waxay keeni kartaa in dowlado kale – gaar ahaan reer galbeedka sida UK iyo Midowga Yurub – ay raacaan dariiqqaas, sidii horeyba looga bartay.

Bixitaanka Maraykanka ee Soomaaliya waxay wiiqi doontaa awoodda ciidamada Soamaaliya, waxaanay keeni kartaa in dowladaha kalena ay ka fiirsadaan in ay joojiyaan taageeradooda millateri iyo dhaqaale taasoo sii xumeyn karta baahida dhaqaale ee haysta hawlgalka Midowga Afrika.

Tusaale ahaan, Mareykanku wuxuu siiya taageero difaac ah xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaasoo safaarado badan ay ku yaallaan, taasoo micnaheedu yahay in haddii Mareykanka si lama filaan ah uga baxo, ay sidoo sababi karto in dowlado kalena ay ka baxaan.

Geesta kalena, adeegsiga xoogga oo kaliya waxay u muuqataa mid guul-darro kusoo dhammaanaysa, sida laga dheehan karo muddo-xileedkii hore ee Trump, xilligaas oo Mareykanku uu kordhiyay duqeymaha cirka ee Soomaaliya iyadoo natiijo la’aan ay kusoo idlaadeen.

Si la mid ah xeeladda muddo-xileedkiisii hore, weerarada Mareykanka ayaa kordhay bilowgii muddo-xileedkiisan dambe ee Trump, haddana Al-Shabaab waxay u muuqata mid awood ahaan sii laba-laxaadsanaysa iyadoo dhul hor leh oo cusub la wareegtay tan iyo bishii labaad ee sanadkan 2025.

Dhanka kale, dadaallada ballaaran ee dhismaha dimuqraadiyadda Soomaaliya, haatan uma muuqdaan kuwo taageero badan ka helaya dhinaca Washington, iyadoo la eegayo guuldarradii mashaariicda Mareykanka ee kasoo gaartay Afghanistan, iyo sidoo kale siyaasadda dibadda ee maamulka Trump oo u janjeerta arrimaha gudaha ee Maraykanka.

Iyadoo Kooxda Xasaradaha Adduunka ee ICG, ku guda-jirta gunaanadka warbixinta ayay soo hadal-qaadday walaaca iyo rajo-beelka hareeyey kooxda Villa Soomaaliya, waxaanay tiri:

Hoggaamiyeyaasha Muqdisho waxay si fiican u xasuustaan go’aankii lama filaanka ahaa ee Trump ee 2020, waxayna ka warqabaan niyad-jabka labada xisbi ee Washington ku saabsan joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka walwalsan yihiin suurtogalnimada in taageeradii muddada dheer socotay ee joogitaanka Mareykanka ay soo af-jaranto.

Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay rumeysan yihiin in Trump uu go’aan noocaas ah qaadan karo mar kasta oo gebi ahaanba Soomaaliya uu gacmaha ka laaban doono. Waxa kale oo ay la socdaan taageero sii kordhaysa oo ku saabsan ka qayb-galka Mareykanka ee arrinta aqoonsiga Somaliland.

Ugu dambayn, hey’adda International Crisis Group, waxay quus ka muujisay duullaanka Soomaaliya. Waxaanay si cad u sheegtay in Maraykanku aanu awood millateri ku muquunin karin Al-Shabaab. Sidaas darteed waxay usoo jeedisay maamulka Washington, in wada-hadal lala furo Al-Shabaab ka hor inta aysan ciidamada Maraykanku ka bixin Soomaaliya, taas oo sahli karta ayay tiri in si aan habqan ahayn oo tartiib ah ay ciidamada Maraykanku uga baxaan dalka Soomaaliya.

XIGASHO: SOMALIMEMO