Hubka Aan Kugu Rido Haddu Qarxi Waayo iisoo Celi. Waa Sheeko Yaab Leh!

Dec 1, 2025

Adduunyadan dulmigu hareeyay inta aad joogto wax walba waad maqli, sheekadani haddii ay markii hore khayaali kula ahayd ama wax aan dhici karin hadda ayay taagantahay.

Madaxwaynaha kibray ee dalka Maraykanka Donal Trump ayaa si rasmi ah dowladda Lubnaan uga dalbay in ay soo celiso gantaal dhawaan Yahuuddu ay ku duqaysay caasimadda dalkaasi ee Bayruut, gantaalkaas oo ahaa gantaal qaali ah, siro badanna ay ku duuganyihiin oo Maraykanku uu soo siiyay Yahuudda.

Gantaalkan oo magaciisa la yiraahdo GBU 39, waxa lagu farsameeyay dalka Maraykanka waana gantaal halis ah oo sirtiisa uu maraykanku aad u ilaaliyo, wuxuna ka mid yahay gantaalihii lagu burburiyay inta badan sarihii dhaadheeraa ee marinka Qazza, waxana loogu talo galay in uu difaacyada adag uu si fudud ku dalooliyo, qarax daranna uu sameeyo, sifooyinkiisa waxa ka mid ah in barta loogu talo galay aanu dhinacna  uga leexan, oo waxa ku xiran maskax lagu rakibay gudihiisa.

Allaah SW wuxu qadaray in gantaalkii noocaas ahaa ee sirtiisa la ilaalinayay oo maalmo ka hor lagu duqeeyay caasimadda dalka Lubnaan uu qarxi waayo, waxana adeegsaday Yahuudda oo ah cidda kaliya ee Maraykanku uu ku aamino sirtiisa,  waxa la helay gantaalkii oo sidiisii ah, waxa gacanta ku dhigay xukuumadda Lubnaan oo ah dulmanihii lagu duqeeyay.

Intaa kadib waxa warwar iyo walaac uu soo foodsaaray Maraykanka iyo Yahuudda oo ka cabsi qaba in sirta gantaalkan ay gacanta ku dhigaan dowlado kale oo isaga tartan kula jira isla markaana isagoo kale ay soo farsamaystaan sida Shiinaha iyo Ruushka .

Kadib arrintii waxa soo faro galiyay Madaxwaynaha Maraykanka Donal Trump oo ahaa ninka hubkan halista badan usoo dhiibay Yahuudda, wuxuna si rasmi ah ula xiriiray dowladda lubnaan isagoo ku amray in ay soo celiyaan gantaalka lagu duqeeyay caasimaddooda ee qarxi waayay.

Sheekaba sheekay keentaaye, Sheekhadani waxay isoo xasuusisay sheeko hore oo Xamar aan ka maqli jiray, sheekadaas oo ahayd in mooryaantu marka qof shacab ah ay dilaan ee maydkiisa loo doonto ay dadka maydka iska leh ku xujayn jireen  in ay bixiyaan qiimaha rasaastii lagu dilay, waa qof ku dilay oo dulmi kugu dilay oo hadana bahdilaad kuugu sii daray, laakiin waxan ognahay inkaartii iyo musiibadii ku dhacday mooryaantii Xamar iyo halka ay ku dambeeyeen, Allaah SW waxan ka rajaynaynaa in Maraykanka iyo Yahuuddana musiibo uu ku rido.