Howlgaallo Lagu Dhiigbixiyay Ciidamada Afrikaanta iyo Kuwa Gurguurte oo ka dhacay 4 Gobol.

Mar 24, 2025

Shabeellada Dhexe:

Qarax maanta ay Mujaahidiinta ka fuliyeen deegaanka “Buurane” ee Shabeellada Dhexe ayaa lala eegtay ciidamo Burundees ah oo ku dhex lugeynayey deegaankaasi, waxaana ku dhintay qaraxaasi 2 askari oo Burundees ah.

Gedo:

Mujaahidiinta ayaa xaley qarax ku weeraray xarunta maleeshiyaatka Sirdoonka ridada ee (NISA) ku leeyihiin degmada Luuq ee Gedo, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 5 askari oo murtadiin ah oo 3 kamid ah dhaawacoodu garaab yahay.

Banaadir:

Qarax Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho ayaa lagu gubay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat murtadiin ah, waxaana ku dhintay 4 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Faahfaahin

Xog dheeraad ah.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey shalay subax weerar cag marin ah ku qaadeen xero maleeshiyaat Murtadiin ah oo taabacsan dowlada Saliibiyadda Kenya ku leeyihiin deegaanka Biyo Madoobe oo ah deegaan hoostaga degmada Faafi ee gobalka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga Saliibiyadda Kenya.

Maleeshiyaatka Murtadiinta ee saaka cagta la mariyay ayaa si gaar ah ula shaqeeya ciidanka Afduubta ee dowlada Saliibiyadda Kenya ee dhibaatada xoogan ku haya dadka Muslimiinta.

Dhimashada waa 6 askari oo Murtadiin ah.

Dhaawaca waa 3 askari oo isla Murtadiin ah.

Qaniimada 6 qori AK47 ah iyo hal qori oo RPG ah.

Mandheera.

Howlgal gaar ah oo ciidamada Mujaahidiintu maanta ay ka fuliyeen deegaanka Hareeri Suuki ee hoostaga degmada Ceel-qaaluu ee gobalka Mandheera waxey ku dileen taliyihii askarta booliska ee deegaankaas, Waxeyna Mujaahidiintu kasoo furteen qori iyo boosh, Waxa uu taliyaha la dilay ahaa Murtad Soomaali ah oo deegaankaas taliye Boolis ka ahaa.

Dhanka kale waxey ciidamada Mujaahidiintu qarax la beegsadeen kolanyo Saliibiyiinta ah oo taliyaha la dilay uga soo gurmatay degmada Ceel-qaalii.

Qaraxa ayaa haleelay gaari Taw ah waxeyla xoogan ayaana gaartay ugu dambeyntiina waa jiiteen Taw-ga laga gubay.