Howlgaallo Lagu Beegsaday Cadowga oo Ka Dhacay Mandheera, Sh/Hoose,Sh/Dhexe.

May 16, 2025

Shabeellada Dhexe:

Qarax ay Mujaahidiinta maanta ka fuliyeen duleedka degmada Cadale ayaa lala eegtay maleeshiyaat murtadiin ah oo lugeynayey, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 4 murtad ah oo mid kamid ah uu yahay Sarkaal.

Shabeellada Hoose:

Mujaahidiinta ayaa xalay weerar qarax ah ku qaaday guriga guddoomiyaha maamulka ridada ee magaalada Marka murtad Cusmaan Muuse Maxamed, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 2 kamid ah ilaaladiisa.

Mandheera.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga ciidanka Saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Hareeri-Suke ee hoostaga degmada Ceelqaalow ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kufaarta Keya.

Dagaalka ayaa muddo socday waxaana la isku adeegsaday hubka noocyasiida kala duwan, Inta dagaalka uu socday waxey ciidamada Mujaahidiintu ay gubeen gaari Kooyal ah oo Saliibiyiinta u yaalay saldhiga.