Taliska Maleeshiyaadka kooxda ridada Soomaaliya oo fulinaya amar ka ka soo baxay xafiiska Xassan Gurguurte, ayaa soo saaray amar ku wajahan dhammaan maleeshiyaadka kala duwan oo kooxda, iney subax kasta 7:00 subaxnimo xaadir ku ahaadaan xeryahooda oo aysan meel kale ka howlgali karin aadina karin.
Amarkan oo sumadiisu tahay TIX: XTC/XDS/0569/25, ayaa looga gol leeyahay in Maleeshiyaadka laga ilaaliyo, inay saameyn kuyeeshaan dhinacyada mucaaradka ee ay Villa Somalia isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo siyaasada.
Xassan Sheekh ayaa doonaya in maleeshiyaadkiisa lala socdo dhaqdhaqaaqooda, xubnaha taabacsan mucaaradka ama saami qeybsiga la wadaagana laga saaro liisaska maleeshiyaadka, haddii ay isku dayaan in ay u tagaan xubnaha mucaaradka.
Taliyayaasha ayaa la amray in ay maalin kasta soo gudbiyeen warbixin dhameystiran oo xaadirinta la xariirta, si loo ogaado cida maqan & cida timaadaba.
Dhanka kale Xassan Gurguurte ayaa sidoo kale dhawaan amray in labaabiyo lagana ilaaliyo in ay hal goob iyo Urur ahaadaan wixii ka haray maleeshiyaadkii lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana warqad sumadeeda tahay XTC/XDS/0469/25, soo baxday 22-kii bishan, la amray in maleeshiyaadkaas lagu kala daro guutooyin kale duwan,gaar ahaana Guutada 5-aad Qeybta 27’aad, iyadoo la abuuray Ururka 53-aad.
Guutada 21-aad ayaa gabi ahaanba haykalka laga saaray oo ahayd maleeshiyaadkii Eritrea ay tababartay intii ka hartay, Saraakiil cusub ayaa hoggaanka qeybaha 5-aad ilaa 25aad loo dhiibay, iyadoo lagu magacaabay wareegto sumadeeda tahay XTC/XDS/0483/25, soona baxday 22-kii bishan.
Saraakiisha la magacaabay ayaa la xaqiijiyay in ay yihiin xubno aad ugu dhaw Xasan gurguurte oo ay Xisaab-hoosaadka qoondada nidaamka waxa ay ugu yeeraan 4.5 wadagaan, tan oo lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshaha Xassan sheekh ee dhisida hoggaano daacad u noqon kara.