Madaxa golaha ku-meel-gaarka ah ee koonfurta Yemen ninka lagu magacaabo Caydaruus Al-Zubeydi ee Imaaraadku taageero ayay wararku tibaaxayaan in uu baxsaday, kadib markii uu si lama-filaan ah uga baaqday safar uu ku tegi rabay kulan wada-xaajood ah oo gogoshiisu taallay Riyaad.
Golahan oo magaciisa loosoo gaabiyo STC, ayaa sheegay in Al-Zubeydi uu ku sugan yahay magaalada Cadan, halkaas oo uu ka kormeerayo arrimaha amniga iyo milatariga. Balse ilaa hadda si rasmiya o madax-bannaan looma xaqiijin meesha uu joogo.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii isbahaysiga taageeraya sharci ahaanshaha Yemen uu ku dhawaaqay in Al-Zubaydi uu baxsaday ka dib markii isbahaysiga uu ku wargeliyay inuu u baahan yahay inuu yimaaddo Sacuudiga 48 saacadood gudahood si uu Al-Alimi ugala hadlo sababaha keenay xiisadda.
Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku eedeeyay Zubaydi inuu cutubyo ciidamadiisa uu ku amray inay ka baxaan xeryahooda, isla markaana hub ku qaybiyay Cadan si qalalaase loo abuuro. Halka STC ay eeddaas beenisay, kuna adkaysatay in Zubaydi ku sugan yahay Cadan, isla markaana mas’uuliyadda amniga wafdigooda Riyaad ay saaran tahay Sacuudiga.
Ciidamada dawladda Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa kusii siqaya Cadan. Sidoo kale, isbahaysigu wuxuu fuliyay duqeymo ka dhacay gobolka Ad-daalic, halkaas oo sida la sheegay ay ka dhaceen in a badan toban iyo shan weerar.
Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen ee gacan-saarka la leh Sacuudiga ayaa xubinimadii ka xayuubiyay Zubaydi, kuna eedeeyay khiyaano qaran, kicinta kacdoon hubeysan, iyo xad-gudubyo shacab. Waxaa la eryay laba wasiir, waxaana jira dad la xir-xiray iyo baaritaanno socda.
Ku-xigeenka Zubaydi, oo lagu magacaabo C/Raxmaan Al-Ma’rami (Abu Zarraaca), ayaa loo xilsaaray sugidda amniga Cadan, waxaanu kulan uu la yeesha Wasiirka Difaaca Sacuudiga uu muujinayaa xiriir sii hagaagaya oo u dhexeeya isaga iyo Sacuudiga.
Xiisaddani waxay muujisay khilaafka qotada dheer ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, kaasoo haatandhinacyadu ay kala taageerayaan kooxaha Yemen. Imaaraadku wuxuu taageeraa STC, halka Sacuudigu taageero dawladda la aqoonsan yahay.