Hogaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa si kulul uga hadlay weeraradii Mareykanku uu shalay ka geystay magaalada Sancaa, kana dhawaajiyey hadal amakaag ku noqday dowladdo badan.
Jaraa’idyada carbeed iyo kuwa galbeedka ayaa saacadihii lasoo dhaafay daaha ka rogay warbixino isdaba joog ah oo kasoo baxayey dhanka xuuthiyiinta oo ay uga hadlaayaan duqeymihii xoogaana ee uu Mareykanka shalay ka geystay gudaha Yeman, waxayna maleeshiyaatkan sheegeen iney wixii hadda ka dambeeya ay balaariyeen weeraradooda badda cas aysana ku koobnaan doonin kaliya maraakiibta xiriirka la leh yuhuuda.
Hoggaamiyaha sare ee Xuutiyiinta Yemen Cabdimaalik Al Xuuthi ayaa hadal uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu Mareykanka u rogaya badda cas goob dagaal, isagoona yiri “Wixii ka horreyay maanta weerarradeena waxay ku koobnaayeen maraakiibka ganacsi ee xiriirka la leh Israa’iil, balse laga billaabo maanta sidoo kale waxaa badda cas mamnuuc ka ah inay adeegsadaan maraakiibta ganacsiga ee Mareykanka.”
Talaabadaan ayaa la sheegay in 100% boqol ay ka dhabeyn doonaan Xuuthiyiinta, waxayna midan dhaqaale burbur xoogan u horseedi doontaa nidaamka cusub ee Mareykanka, xilli dhanka kale xoghayaha difaaca Mareykanka uu ka dhawaaqay weerarrada ka dhanka ah Xuutiyiinta ee ay ka fulinayaan gudaha Yemen inay noqon doonaan kuwa aan kala joogsi lahayn, illaa inta ay joojinayaan weerarrada milatari, xiisada Labada daraf ayaana hadda u muuqata mid gaartay halkii ugu sareysay.
FAAFREEB PRO