Hindiya iyo Shiinaha ayaa isku dayaya iney hagaajiyaan cilaaqaadkooda tan iyo bilowgii sanadkan sii idlaanaya ee 2024.
Sida lagu waramayo xukuumadahan ayaa qaadaya talaabooyin ay ku tilmaameen iney dub u hagaajin ugu sameynayaan cilaaqaadkooda, iyadoona qaar ka mid ah ciidamo labada dhinac ee isku hor fadhiyay soohdinta buuraleyda Himilaaya dib loo qaaday.
Laakin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in kalsooni darada u dhexeeysa labadan waddan ee ugu tunka weyn Aasiya ay caqabad ku noqon karto soo celinta xiriirki wanaagsanaa ee Delhi iyo Beijing.
Labadan wadan ayaa hada sidoo kale laga cabsi qabaa in sameyn ay ku yeeshaan lacagta cusub ee uu doonayo inuu sameeyo ururka ay qeybta ka yihiin ee BRICS, maadaama Hindiya iyo Brazil ay aaminsanyihiin in lacagtaas maamulkeeda uu bilo kadib gacanta ku dhigi doono Shiinaha.
FAAFREEB PRO