Hindiya iyo Pakistan oo Qarka u Saaran Inuu Dagaal ka Dhax Qarxo iyo Digniino soo Baxaya.

Apr 24, 2025

Hindiya ayaa hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee Pakistan sidoo kalana qaaday talaabooyin kale, kadib weerarkii ay shalay ay gobolka Kashmiir ka fuliyeen ciidan kamid ah mujaahidiinta qaarad u ekaha Hindiya.

Sida uu daabacay wargeyska India Today, xukuumada New Dalhi ayaa shaacisay iney jartay cilaaqaadkii dimlumaasiyadeed ee ay la laahyd dhigeeda Islama Bad, waxaana inuu toddobo maalin uga baxo Hindiya loo qabtay u qeybsanaha dhinaca milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay New Delhi.

Sidoo kale waxaa la joojiyay heshiisyo fara badan oo u socday labada dal , halka sidoo kale ay Hindiya xirtay xadka ay la wadaagto Pakistan, taa oo muujineysa sida ay xiisada dhinacyada ay u tahay mid sareysa oo laga filan karo xaalad walba.

Dhanka kale sida ay baahiyeen joornaalo kale oo kasoo baxa qaarada Aasiya Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa si deg deg ah isugu yeeray golaha amniga wadankiisa, si ay uga jawaabaan tallaabadan ay Hindiya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed oo ay ku cayrisay u qeybsanihii milatariga ee safaaradda Pakistan ay ku leedahay Hindiya.

Dhanka kale xukuumadda Narendara Modi ayaa maanta qabaneysa kulan ay isugu imaanayaan dhamaan xisbiyada wadanka, waxaana fadhigan guddoominayo wasiirka Difaaca Hindiya.