Council on Foreign Relations oo ah hey’ad laga leeyahay dalka Maraykanka oo si sannadle ah u qiimaysa xasaradaha adduunka, ayaa soo bandhigtay odoroska 30 xaaladood oo ay sheegtay in suuro-gal ay tahay in dunida ay ka dhacaan sannadka 2026.
Dalalka sannadkan diiradda la saaray oo ay ka mid tahay Soomaaliya, ayay hey’addu sheegtay in sahaminta xaalkooda ay u bandhigtay 15,000 oo khubaro Maraykan ah, balse 620 keli ah ay kasoo jawaabeen codsiyadaasi cilmi-baarista ah.
Xaaladaha ugu muhiimsan ee la saadaalinayo 12-ka bilood ee soo socda ayay hey’addu xustay inay ka mid tahay isbeddel lama filaan ah ku yimaadda Soomaaliya oo muddo badan uu ka socday duullaan macatab-ku-dirir ah oo Maraykanku uu garwadeen ka yahay.
Waxa suurta-gal ah ayay tiri daraasaddu in dawladda Maraykanku ay gebi ahaanba joojiso taageeradii amni ee ay siin jirtay kooxda Riddada, isla markaana mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegaan Soomaaliya, kuna soo dabbaalaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka.
Saadaasha ay hey’addani soo bandhigtay ayaa kusoo aadaysa iyadoo saacadihii lasoo dhaafay dawladda Maraykanku ay Golaha Ammaanka ee urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ka hor-sheegtay in bilaha soo socda ay hoos u dhigi doonaan taageeradii ay siin jireen Riddada Soomaaliya oo sidoo kale Turkiguna ka goostay dhaqaalihii uu siin jiray kooxdaasi.
Geesta kale, isla fadhigan ayay Golaha Ammaanku ku go’aamiyeen in dhammaadka 2026-ka albaabada la iskugu dhufto xafiiskii urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, taas oo muujinaysa in guud ahaan kuffaarta caalamkuna aanay sii wadi doonin taageeradii dhaqaale ee ay siin jireen hawl-galka AUSSOM.