Sida ay shaacisay wasaarada Batroolka iyo Macdanta ee kooxda ridada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ridada Soomaaliya ay markale heshiis dhinaca Shidaalka ah la gashay dowladda Turkiga.
Heshiiskaan ayaa waxaa kooxda ridada u saxiixay wasiirka Batroolka murtad Daahir Shire Maxamed oo hadda ku sugan dalka Turkiga.
Qodobada heshiiskaan ugu muhiimsan ayaa lagu sheegay in kooxda ridada ee Gurguurte ay dowladda Turkiga u saxiixday inay qaadato Shidaalka ku jira xeebaha teedsan gobalada dhaca dhanka Bariga ee Soomaaliya.
Heshiiskaan ayaa dhigaya in dowladda Turkiga ay durbo bilowdo sahminta Shidaal ay ku sameynayso goobaha loo saxiixay inay kala baxdo shidaalka.
Kooxda ridada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo horay heshiis Shidaal ula gashay dowladda Turkiga kaasoo Turkiga loogu gacan galiyey inay boobaan kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya.
Dhawaan Kooxda ridada Soomaaliya ayaa sheegtay in dabayaaqada sanadkaan uu Turkiga soo gabagabeen doono howlaha sahminta ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya, kadibna sanadka danbe ay toos u bilaabi doonaan inay qaataan waxyaabaha loo saxiixay ee ah inay gurtaan kheytaadka ku jira xeebaha Soomaaliya oo uu shidaalka kow yahay.