Muhiimadda istiraatijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika iyo baaxadda hantida qarsoon, waxaa barbar socda habacsanaan amni, siyaasadeed iyo mida dhaqaale, waxayna midaas daneeyayaasha caalamiga iyo kuwa mandiqaduba ku dhalisay in saldhigyo ay ka sameystaan geeska qaaradan, ayna ka galaan dagaal qabow iygoo muhiimadooduna ay tahay sii joogida ilaa ay ka qarxeyso xisada taagan iskuna badaleyso dagaal lagu hoobto, waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ah ee Al-Sharqul Awsad.
Waxaa ugu horeyn warbixinta lagu sheegayaa in hadii quwadaha Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka ay tartan ugu jiraan sidii ay wujood baaxad leh ay ugu yeelan lahaayeen gobolka, ay dhanka kale jiraan awoodo iyagana doonaya iney ku lugu fidsadaan bariga qaarada Afrika sida Turkiga, Iran, iyo Hindiya kuwaas oo uu u jeedkoodu yahay sidii ay u xayuubsan lahaayeen kheyraadka dhax ceegaaga dhulkan bariga.
Loolankan xooga ayaa sababay iney soo baxaan digniino ay cabsi ku gadaamantahay oo ka imaanaya dhicayo kala duwan, waxaana laga baqanayaa qarxida dagaal lagu hoobto, kaas oo fursad dahabi ah oo ay danohooda ku gaaraan siin doono dhamaan dowladaha hada uu ku jiro hanqal taaga.
Arinka ugu weyn ee gobolka geeska Afrika galiyey xaaladan cakirnaanta ah iyo loolankan xoogan ayey warbixintu ku sheegeysaa iney tahay marinada muhiimka ah ee badda cas, kuwaas oo kulmiyey ganacsiyada caalamiga ah sababtayna in gobolku uu noqdo mid ay kusoo jeedaan indhaha dowladdo fara badan.
10-ka Dekeddood ee ugu waaweyn gobolka geeska Afrika ayaa sii Laba jibaaray muhiimada ay siinayaan halkan, waxayna heleen aqoonsiyo waaweyn ka yimid dhanka caalamka iyo gudaha mandiqaduba, waxayna noqdeen kuwa isku xira suuqyada Bariga iyo Bartamaha Afrika iyo dalalka Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe.
Sida uu joornaalku kasoo xiganayo khabiirka milateri ee Masriga ah ee lagu magacaabo Samiir Faraj, waxay zaxmadan iyo muhiimadan weyn ee ay leeyihiin marinada bada cas ay gobolka ku xiirayaan xiisad hor leh iyo loolan xoogan oo ka dhax qarxa dowladdo awood leh.
Sida uu sheegaay khabiirkan militari waxa uu hada hardan dhaqaale oo geeska Afrika ah uu ka dhexeeyaa dalalka Mareykanka iyo Shiinaha, sida warbixintu ay tibaaxeysana waxay si aad ah ugu loolamayaan dekeddeha ugu muhiimsan ee badda cas.
Marka laga hadlayo hardanka badda ee ka socda geeska Afrika, waxa uu Al-Sharqul Awsad sheegayaa in kaliya uusna ku koobneen Mareykanka iyo Shiinaha balse ay jiraan kuwa kale oo gudaha ah misana ku tacaluqa badda.
Waxaa tusaale loo soo qaadanayaa hanqltaaga Itoobiya ee badda Soomaaliya, waxayna warbixinta uu daabacay joonaalka Ingiriiska ay si toos ah u cadeyneysaa in Turkiga iyo Itoobiya ay si wada jir ah u baadi goobayaan bad la siiyo Addis Ababa.
Dhanka kale Shiinaha iyo Tukriga ayey warbixintu sheegeysaa inuu ka dhexeeyo loolan ganacsi marka laga hadlayo geeska Afrika, waxaana lawada ogaa hardankii u dhexeeyey Labada dhinac markii ay lawareegeen maamulka dekedaha Jabuuti iyo Soomaaliya, walina lama oga halka uu kusoo biyashuban doono loolankan.
Dhamaan xiisadahan taagan eek u tacaluqa marinada muhiimka ah ee geeska Afrika ayaa lagu waramayaa iney sabab u noqon doonaan mar aanan fogeyn iney naafoobo dhaqaalaha wadamo badan, sida Suudaan, Jabuuti, Kenya iyo Tanzaaniya.
Hay’ada QM hoostagta ee UNCTAD ayaa warbixin ay daabacday bishii Febraayo ee sanadkan 2024 waxay ku sheegtay, in ganacsiga Suudaan boqolkiiba 34% uu soo maro badda cas iyo kanaalka Suweys, halka ku dhawaad 31% ganacsiga Jabuuti, 15% ganacsiga Kenya iyo 10% ganacsiga Tansaaniya uu soo maro kanaalka Suweys.
Marka laga soot ago loolanka dakadaha ee ka taagan geeska gobolka, waxay dhanka kale warbixintu u gudbeysaa ka hadalka boobka iyo hanqaltaaga ka socda geeska Afrika ee la doonayo in lagu xayuubsado kheyraadka dhax ceegaaga dhulkan, waxaana tusaale loo soo qaadanayaa wadanka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee warfaafinta kooxda ridada Soomaaliya Sakariye Maxamuud oo wareysi uu siiyey wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay, in dowladaha caalamka oo idil ay bilaabeen hanqaltaaga iyo iney ka faa’ideystaan kaydka shidaalka Soomaaliya oo gaaraya 30 Bilyan oo Barmiil.
Dalalka horboodaya boobka shidaalka Soomaaliya balse soo xirtay shaarka heshiiska waxaa kamid ah Turkiga oo waraaqo la saxiixday kooxda Xasan Sheekh.
Dhanka kale Turkiga isagoo ka faa’ideysanaya isku dhaca kooxda ridada iyo Itoobiya ayuu qaab garab siin ah ula galay Xasan Sheekh heshiis difaac, balse midaas ayaa lagu tilmaamay masraxiyad ay Ankara dooneyso iney ku kala disho dhinacyada.
Waana midii la ogaa in iyadu ay ahay midii garbineysay waan waantii fashilka kusoo dhamaatay ee la doonayey in la dhax dhigo Addis Ababa iyo Muqdisho.
Mar joornaalku uu kasoo warbixiyey loolanka istaraatijiyadeed ee dhanka Dekeddeha iyo hanqaltaaga hantida geeska Afrika ayuu qeybaha dambe waxa uu ku sheegayaa, in xiisadahan kala duwan ee aloolsan ay fursad dahabi ah siin doonaan xarakada mujaahidiinta Al-Shabaab ee la dagaalanta bariga Afrika.
“xasilooni la’aanta gobolka waxay horsed kartaa oo ay awood siin kartaa kooxaha argagixisada” waxaa sidaas yiri misane wargeysku uu soo xiganayaa lataliyihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Warbixintan ayaa kamid noqoneysaa kuwa iyada lamid ah oo dhamaantood daaha ka rogaya sida geeska Afrika uu maanta isugu badal meel lagu hardamo dowladaha ugu tunka weyna caalamka ay ugu soo hanqal taagaan kheyraadka dhax ceegaaga, iyadoona filashada qarxida dagaal lagu hilboobo ay sii ziyaadeyso marba marka kasii dambeysa.
FAAFREEB PRO