Hardanka Dunida oo Yeeshay Waji Cusub iyo Kula Dhax Maray Wadamada Yurub.

Mar 3, 2025

Hardanka dunida oo yeeshay waji cusub iyo kulan balaaran oo dhax maray wadamada Qaarada yurub kaas oo looga soo horjeedo Mareykanka iyo Ruushka.

Sida uu baahiyey joornaalka The Telegraph waxaa wadanka Ingiriiska gaar ahaa caasimada London saacadihii lasoo dhaafay kusoo afmeermay kulan balaaran oo u dhexeeyey wadamada yurub kaas oo looga hadlay marxalada hadda ay wajahayaan dowladaha gobolka iyo cadaadisyada kala duwan ee uga imaanaya dhanka Mareykanka.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa u sheegay hoggaamiyeyaasha Yurub in dhammaantood ay u baahan yihiin inay kor u qaadaan ammaanka qaaradda, ayna xoojiyaan iskaashiga milatari iyo dib u xaqiijinta taageerada Ukraine ee dagaalka ka dhanka ah Ruushka, isagoo intaa ku daray Ukraine inay muhiimad u leedahay amniga dalalka Yurub.

Starmer waxa uu sidoo kale sheegay in Ingiriiska, Faransiiska iyo Ukraine ay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan qorshe xabbad joojin ah si jilbaha dhulka loogu dhufto kan Mareykanka uu dheraandhirinayo mudooyinkan dambe.

Loolanka dunida ayaa hadda u muuqda mid yeeshay waji cusub, Ruushka iyo Mareykanka oo is garabsanaya ayaana doonaya iney si wada jir ah u wajahaan reer galbeedka, xilli iyagana ay bilaabeen is uruursi xoogan.

FAAFREEB PRO