Hakad ku Yimid Weerarkii Turkiga ee ku Wajahnaa Kooxaha Kurdiyiinta Suuriya.

Dec 18, 2024

Hakad la galiyey weerarkii Turkiga uu damacsanaa inuu ku qaado kooxaha kurdiyiinta Suuriya iyo kordhin laga sameeyey heshiiskii xabad joojineed ee dhacyada dhaxyiilay.

Sida uu daabacay joornaalka The Straits Times afhayeen wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga Matthew Miller ayaa sheegay in xabad joojin hor leh ay wada gaareen Turkiga iyo ciidamada Kurdiyiinta Suuriya ee uu Mareykanku taageero gaar ahaan kuwa ku sugan agagaarka magaalada Manbij ee waqooyiga dalka Suuriya.

Lama shaacin inta ay soconeyso xaba joojintan waxayna u muuqataa mid furan oo uu xaalkeedu is badali karo marwalba, dhanka kale xukuumada Washington ayaa lagu waramayaa iney ku guuleysatay in muddo todobaad ah ay dib u dhigto weerarkii xooganaa ee ay damacsaneyd Ankara iney ku ekeyso maleeshiyaatka kuridida ee ku sugan magaalooyinka qaar ee dalka Suuriya.

Damaca Turkiga ayaa hada ah in ciidankiisa gaar ah iyo kumannaan dagaalyahan oo Suuriyaan ah uu ku weerarro kooxahan si uu uga fogeeyay dhulka Suuriya ee ay xadka la wadaagaan, taasoo yareyn karta khatarta soo gaari karta.

Balse Mareykanka wuxuu hada dib u cusboonaysiiyay xabbad-joojinta Turkiga iyo kooxahan kurdidada ee uu taageero waliba sida aan soo xusnay muddo toddobaad ah, wallow uu Turkiga wali uu beegsanayo goobaha muhiimka ah ee ay ciidamadan uga suganyihiin gudaha dalka Suuriya.

FAAFREEB PRO