Gurguurte oo Gaaray Adis Ababa iyo Masar Dhankeeda oo Talaabo Laga Filayo.

Sep 7, 2025

Wararka hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in madaxa kooxda Ridada Soomaaliya murtad Xasan Sheekh Maxmuud uu gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Safarka Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu ku qotomo ka qeyb-galka xaflad ballaaran oo lagu daah-furayo biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaddib casuumaad rasmi ah oo oga timid ra’iisul wasaaraha Itoobiya gaal Abiy Axmed.

Socdaalka Gurguurte ayaa kusoo beegmaya xilli dawladda ridada Masar ay si adag uga soo horjeedo mashruucan biyo-xireenka ah, arrintaasi oo xiisad siyaasadeed ka dhex dhalisay labada dal.

Xafladda waxaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan madax badan oo ka socda qaar ka mid ah dalalka Africa, iyodoo dhinaca kale dalalka Masar iyo Suudaan ay si weyn uga soo horjeedaan biyo-xireenkan, iyagoo ku andacoonaya in uu halis ku yahay xaquuqda biyaha Niil-ka iyo danaha shacabka dalalkooda.

Safarka murtad Xasan Sheekh ee Adis Ababa iyo ka qeyb-galka xafladda biyo-xireenka Itoobiya ayaa loo arkaa mid sii hurin karta khilaafka ka dhex jira Itoobiya iyo Masar, iyadoo indhah caalamku ay ku sii jeedo sida ay xaaladani u wajahdo mustaqbalka danah biyaha iyo xiriirka dawladaha ku tiirsan webiga Niil.

FAAFREEB PRO