Sida uu nashriyey wargeyska Haaretz sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada sahaayinada ayaa xaqiijiyey in si buuxda ay heegan ugu galayaan weerar balaaran oo dhanka cirka ah oo ay ku qaadaan xukuumada Tehran waliba mudooyinka soo aadan.
“Ciidanka Israel gaar ahaan kuwa dhanka cirka waxay isku diyaariyaan weerar ka dhan ah Iran” waxaa sidaa yiri misana joornaalku uu soo xiganayaa falanqeeye militariga oo yuhuudi ah misana lagu magacaabo Yossi Yehoshua.
Hanjabaadan ka dhanka ah Tehran waa mid dabcan kusoo beegantay xilli Iran ay la daala dheceyso wixii kasoo gaaray dhicitaanka nidaamkii Bashaar Al-Asad, dhanka kalana ay raadin ugu jirto sidii markale ay wujuud muuqda ugu yeelan lahayd gudaha dalka Suuriya.
FAAFREEB PRO