Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Dagaal Murtadiinta ku Dhexmaray Degmada Afgooye.

Sep 30, 2025

Wararka ka imaanaya dagmada Afgooye ee gobolka Shabeellada-Hoose ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaat murtadiin ah, kaasi oo geestay khasaare.

Maleeshiyaatka oo uu muran soo kala dhaxgalay ayaa laso warinayaa in ay goobta ku dagaalalmeen, iyaga oo in mdo ah adeegsanayay rasaas xooggan.

Waxaa goobta ay ku dileen xubin ka tirsan maamulka ridada ee Afgooye, kaas oo ahaa gudomiye waaxeed lagu magacaabi jiray Yaabiye Bare Abuukar.

Maleshiyaatka dagaallamay ayaa isku khilaafay hub ay wateen, iyagoo durba labo dhinac u kala baxay, kuna dagaallamay goob ay ku sugnaayen dadyow aad u badan.

Ma ahan marii ugu horaysay oo maleeshiyaat murtadiin ah ay ku dagaallamaan gudaha dagmada Afgooye, waana dhaqan iyo caado ay ay u leeyihiin in ay isdilaan markasta uu oo khilaaf soo kala dhaxgalo.