Kadib kulan ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ay ku yeesheen waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Q.Midoobay ayay uga doodeen xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan kooxda ridada iyo mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ah.
Dowladda saliibiyadda Ingiriiska oo kufriga caalamiga ah gacanta ugeliyay galka ammaanka soomaaliya ayaa golaha ka hor sheegtay in 31 December 2024 oo ku beegaan bartamaha isbuucan lasoo afjarayo howlgalka kufaarta Afrikaanta ee loogu yeero ATMIS.
Xubnaha golaha ayaa ka dooday sida laga yeelayo kufaarta afrikaanta waxayna isku raaceen in ladhiso howlgal cusub oo loogu magac daray AUSSOM kaasi oo lasiiyay waqti dhan 12 bilood kana billaabanaysa Bisha Janaayo ee soo socota 2025, wuxuuna howlgalkan socan doonaa muddo hal sano ah sida ku cad warka kasoo baxay golaha gaalada midowday.
Howlgalka AUSSOM ayaa ka koobnaan doona 12,626 askari oo 1,040 kamid ah noqon doonaan ciidamo boolis ah.
Safiirka kooxda riddada ee xarunta Q.Midoobay ayaa golaha ka hor sheegay in iyagu ay codsadeen in howlgal cusub laga sameeyo soomaaliya, lagana reebo ciidamada xabashida Itoobiya.
Safiirka Itoobiya ufadhiya Q.Midoobay ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in amniga geeska afrika uu halis kujiro islamarkaana awoodda xarakada shabaabul Mujaahidiin ay sii xoogeysanayso, isagoo codsaday in ciidamada dowladdiisa lagu daro howlgalka.
Kooxda Riddada iyo dowladda Masar ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in kumanaan askari Masaari ah ay soo gaari doonaan soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan duullaan gaaleedka cusub.
Khilaaf in mudda soo jiitamayay oo ku saabsanaa cidda dhabarka uridanaysa maalgelinta isbahaysiga AUSSOM ayay gaaladu xal ka gaareen waxayna bixinta qarashaadka uqeybsadeen sidan 75% waxaa ciidamada Afrikaanta maalgelinaya waxa loogu yeero deeq bixiyaasha oo ay kamid yihiin Mareykanka midowga Yurub iyo dowladaha Khaliija Carabta halka ururka midowga Afrika iyo UN-ka ay bixinayaan 25%.
Ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo Soomaaliya kusoo duulay sanaddii 2007 ayaan weli xaqiijin ahdaaftii ay reergalbeedku u igmadeen, markii ay dalka imaanayaan ayay huwanaayeen shaatiga AMISOM balse sanaddii 2022 ayaa shaatiga loo bedelay waxaana loo bixiyay ATMIS hadda oo la joogo dhammaadka 2024 ayaa magaca cusub looga dhigay AUSSOM