Ganacsatada Muqdisho oo ka Cabanaya Khudaarta Dibadda Laga Keeno.

Sep 11, 2025

Ganacsatada khudaarta ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay kororka ku yimid khudaarta laga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa, taasoo curyaaminaysa wax soo saarka gudaha.

Waxay sheegeen in arrintan ay caqabad weyn ku tahay beeraleyda Soomaaliyeed, taaso ku sababtay in intooda badan ay ka niyad-jabaan ganascigooda, islamarkaana ay u guuraan xerooyinka barakayaasha.

Sidoo kale, ganacsatadu waxay shaaca ka qaadeen in khudaarta laga soo waarido dalalka kale ay tayadeedu aad u liidato, maadaama ay yihiin kuwa bacrimis u badan, halka midda dalku tahay mid nadiif ah oo si dabiic ah beeraha uga baxda, iyagoo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan wax soo saarka gudaha.

Arintan waxay qeyb ka tahay cabashooyinka isa soo taraya ee ka imaanaya dhulalka ay ka arrimiyaan muumulada ridada, xilli dhawaan ay ahayd markii gaadiidleyda ku dhaqan Waqooyi-galbeed Soomaaliya ay ka cabanayeen in ay shaqooyinkooda daabulida alaabaha ay la wareegeen shaqaale Xabasho Itoobiyaan ah oo dalka si aad ah ugu soo qul-qulaya.

FAAFREEB PRO