Mid ka mida ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool waddanka dibaddiisa ayaa maanta lagu dilay tuulo lagu magacaabo Waamo oo ku taalla duleedka magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfurta Afrika.
Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Samaale Burhaan Waceys ayaa sida la xaqiijiyey koox hubaysani ay weerareen kuna dhex dileen meherad ganacsi oo uu ku lahaa tuullada Waamo.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in dablaydii fulisay dilkaasi ay goobta ka baxsadeen iyagoo wax dhac ah aan u geysan dukaankii uu lahaa ganacsadaha la dilay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu helnay.
Ciidanka booliska oo looga bartay aan waxba ka qaban ugaarsiga lagu hayo Soomaalida, ayaa goor dambe soo gaaray goobtii uu ka dhacay dilku, waxaanay sheegeen in falkaasi ay baarayaan.
Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa ugaarsi ba’an kala kulmaysa kooxo Koonfur Afrikaan ah oo ilaa hadda aan la garanayn sababta ay u laynayaan Soomaalida, maadaama hantidoodana aanay u geysanayn wax dhac ah, iyadoo bishan oo kaliya la dilay ugu yaraan 9 qof oo Soomaali ah.