Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay ruux Soomaali ah, falkan ayaana si gaar ah uga dhacay deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaannada hoostaga magaalada Cape Town.
Ganacsadaha la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Cismaan, waxayna wararku sheegayaan in lagu dhax dilay goobtiisa ganacsi.
Booliska Koonfur Afrika oo dhacdada kadib goobta soo gaaray ayaa baartitaano ay sameeyeen aysan kasoo bixin wax natiijo ah, ganacsadahaan ayaana in mudo ah ku ganacsanayay dalkaasi.
Bishii lasoo dhaafay ayeey aheyd markii sidaan oo kale ganacsato Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay wadanka Koonfur Afrika, iyagoo qaarkood laboobay goobahooda ganacsi
Ilo wareedyo ayaa sheegay in ganacsatadu Booliiska dalkaasi u gudbiyeen cabasho ka dhan ah dilalka iyo boobka sida gaarka ah loogu hayo dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in Booliiska lagu eedeeyo in dhibaatadan joogtada ah uu qayb ka yahay.
Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka joogtada ah ee dadka Soomaalida ah loogu gaysanayo dalka Koonfur Afrika, sanadkasta ayaana lasoo diiwaangaliyaa dilalka tobanaan ganacsato ah, iyo boobka hantidooda.