Ganacsade Soomaali ah oo Markale Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika.

Oct 18, 2025

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kooxo burcad ah ay dil u geysteen Nuur Maxamed Mahdi oo kamid ahaa Soomaalida ku dhaqan dalkaasi.

Ganacsadahaan ayaa lagu dhex dilay goobtiisa ganacsi oo ku taalla deegaan hoos yimaada magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa.

Dhawaan ayey ahayd markii sidaan oo kale kooxo hubeysan oo burcad ah ay dileen Shool Maxamed Cadde oo ahaa ganacsade Soomaali kaasoo lagu dilay deegaanka Philippi ee gobalka Western Cape.

Dilalka ka dhanka Somalida ayaa bilihii lasoo dhaafay kusii badanayey dalka Koocfur Africa, xilli ay dilalkaasi ay geysanayaan kooxo burcad Sood Africaan ah.

Somaalida gacansiyada ku leh dalka Koonfur Africa ayaa wajahaya xaalad cabsi leh kadib markii ay sii kordheen dilalka iyo boobka lagu hayo hantidooda.