Gaallada QM oo Gudo-gashay Fulinta Qorshe ay Doonayso Inay Kaga Baxdo Dalka Soomaaliya.

Dec 2, 2025

Urur-gaalleedka la baxay Qaramada Midoobay ayaa si rasmiya u bilaabay soo afjaridda hawl-galkii saliibiga ahaa ee muddada badan uu ka waday gudaha dalka Soomaaliya.

Qaybo ka mida xafiisyadii urur-gaalleedkani uu kaga hawl-geli jiray Soomaaliya oo magaciisa loo soo gaabiyo UNSOM ayaa lagu wareejiyey maamulka Riddada ee Galmudug.

Shir-jaraa’id oo wada-jir ay u qabteen madaxa xafiiska urur-gaalleedka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya saliibiga lagu magacaabo James Swan iyo madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Galmudug Murtad Qoor-qoor ayaa lagu shaaciyey xirista xafiiskii UNSOM ee magaalada Dhuusa-mareeb.

Murtad Qoor-qoor ayaa goobtaasi ka caddeeyey inuu si rasmiya ula wareegay xafiiskii deggaannadaasi ay ku lahayd hey’ad-gaalleedda Qaramada Midoobay, oo haatan isku diyaarinaysa inay si rasmiya uga baxdo guud ahaan dalka oo dhan.

Bayaan horey uga soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey in dhammaadka bisha Tobnaad ee 2026 albaabada loo laabi doono gebi ahaanba xafiiskeeda UNSOM ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in walaac xooggan ay ka qabto koboco awoodeed ee Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli guul-darro ba’an iyo dhabar-jab xooggani uu lasoo derisay hawl-galka saliiibiga ah ee isbahaysiga AUSSOM isla markaana Kuffaarta caalamku qireen in Geesiyada Tawxiidku ay qarka u saaran yihiin in guud ahaan dalka Soomaaliya ay kusoo dabbaallaan ku-dhaqanka Shareecada Islaamka.