Madaxweynaha dawladda Saliibiyadda Maraykanka Gaal Donald Trump ayaa sii labo-jibbaaray ficillo isugu jira hanjabaad, nacayb iyo aflagaaddo qaawan oo muddooyinkan u dambeeyey uu si gaar ah ugu bartilmaameedsanayay ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed.
Waxa uu mar kale ku celiyay hadallo naceyb iyo goodis isugu jira oo uu si toos ah ugu weeraray guud ahaan ummadda muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Soomaalida ku nool dalkaasi, oo uu ku tilmaamay qashin iyo tuugo aan mudnayn in ay soo galaan dalka Maraykanka.
Saliibigan qabaluuska ah, ayaa sidan sheegay mar uu Talaadadii shalay ka hadlayay kulan uu la yeeshay golahiisa wasiirrada, kaas oo laga baahiyey baahiyay qaybaha kala duwan ee warbaahinta caalamka:
“Waxaan maqlay in Soomaalidu ay sannad walba balaayiin dollar ka xadaan gobolka Minnesota, run baan kuu sheegayaaye, anigu ma doonayo in dalkayaga ay yimaaddaan…qof baa oran doona taasi siyaasiyan sax maaha, aniga waxba igama gelin, danna kama lihi, mana doonayo in dalkayaga ay yimaaddaan…dalkooduna waa xun yahay, sababtoo ah waa urayaa,….waxaan u soconaa dhinaca qaldan haddii qashinkaasi aynu kusoo urursanno dalkeenna,…..” ayuu yirri Trump.
Donald Trump, intii uu ku gudo-jiray hadalladiisan gefka iyo af-xumada ah, ayaa sidoo kale ummadda xariirta ah ee muslimiinta Soomaaliyeed ku tilmaamay dad cabasho badan oo ma-shaqaystayaal ah kana yimid dal aanay waxba oollin oo aad u xun.
Trump ayaa intaa ku daray “Kuwani waa dad cabasho mooyee aan wax kale sameyn, goor walbana way cabanayaan, halka ay ka yimaaddeenna waxba kuma haystaan. Markay ka yimaadaan jahannama oo ay halkan yimaaddaan iyaga oo cabanaya, waxna aan qaban, sidaas darteed annagu ma rabno in dalkeena ay jooggaan, haku laabtaan halkii ay ka yimaaddeen oo ha hagaajistaan…”
Hadalladan hantaataca ah ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay ICE oo ah waaxda socdaalku ay gobolka Minnesota ku daabushay askar fara badan si ay usoo qabqabtaan Soomaali badan oo la doonayo in laga soo tarxiilo waddankaasi, sida ay wargeyska The New York Times u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Washington.