Gaajada iyo Beer-dooxa Qaza oo Halkooda Kasii Socda iyo Tiro ku Dhow 60-ka oo Shahiiday Muddo Kooban.

Sep 27, 2025

Maamulka gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wada xasuuqa iyo isir sifeynta uu ku hayo shacabka dulman ee Filistiiniyiinta, isagoo u adeegsanaya dagaal dhan waliba ah, si uu u tirtiro muslimiinta laga tirada badan yahay, islamarkaana dhulalka barakaysan ay isku fidiso xukuumadda dhiig yacabka ah ee Netanyahu.

Sahaayinada ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay marinka Qaza ciidamadoodu ka fuliyeen illaa 120 weerar, kuwaasi oo ay ku beegsatay shacabka muslimka ah ee reer Filistiin.

Sida la xaqiijiay ugu yaraan 52 qof ayaa ku shahiiday xasuuqyadii Yahuudda ay saacadihii lasoo dhaafay ka geysatay marinka Qaza, waxaana sidoo kale la sheegaya in in ka badan 800 Filistiiniyiin ay ka barakeceen magaallada.

Maamulka arxanka darran ee Yahuudda ayaa Qaza ka wada xasuuqyadii ugu darnaa abid, waxaana marka laga soo tago duqeymaha cirka uu maamulkan ku howlan yahay arrin kale oo halisteeda wadata oo ah mashruuca gaajeysiinta oo si daran u saameeyay reer Filistiin.

Mar sii horreysay ayay ahayd markii shacabka Qaza ay walaalaha muslimiintu ka dalbadeen in ay u soo duceeyaan, iyagoo soo kacaya xilli saq dhexe ah, islamarkaana iyagoo khaashiciin ah tukanayan laba rakacadood, ka dibna Alle u baryaya in uu dhibta iyo murugada ka dulqaado.

Arrintan ayaa ah fursadda ugu weyn ee imika aan ugu gaargaari karno walaalaheena dulman, maadaama ay khudlaamiyeen dawladaha dawaaqiida Carabta ee dariska la ah Filistiin.

FAAFREEB PRO