Gaadiidleyda Soomaaliyeed oo si Adag uga Hadlay Darawal Lacag Baad ah Loogu Dilay Muqdisho.

Sep 23, 2025

Kulan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho oo ay isku arkeen gaadiidleyda ka howlgasha gobollada dalka ayaa si adag looga hadlay dil uu askari ka tirsan murtadiinta saacadihii lasoo dhaafay u gaystay nin darawal ah oo uu baad waydiistay.

Gaadiidleydu waxay sheegeen in dilka Carab Cali oo si gaar ah uga dhacay degmada Kaaraan uu qayb ka yahay dhibaatooyinka ay wajahayaan, waxay si wayn uga caroodeen in murtadka dilka gaystay uu si xor ah u dhex joogo magaalada Muqdisho.

Waxay ku dhawaaqeen inaysan shaqayn doonin ilaa laga soo qabanayo askariga murtadka ah ee dilka gaystay, waxay sidoo kale sheegeen in dilka kaliya aysan dhibaatadu ku koobneen ee ay hadda gaadiid uga xayiran yihiin Ceel-macaan.

Dilalka iyo dhaca baahsan ee ay saraakiisha iyo maleeshiyada murtadiinta ah ka wadaan gobolka Banaadir iyo ilaa gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa si wayn u saameeyay gaadiidleyda isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

FAAFREEB PRO