Filashooyinka Natanyaahu uu ka Qabo Nidaamka Trump oo Ziyaadaya.

Feb 2, 2025

Netenyaahu ayaa loogu baaqayo inuu yareeyo filashooyinka badan ee uu ka qabo Trump ka hor inta uusan dhicin kulanka uu la qaadanayo 4 bishan aynu ku guda jirno ee February.

Sida ay daabacday majaladda ka faalloota siyaasadda arrimaha dibadda ee Foreign policy waxaa Binyamin Natanyaahu lagula talinayaa inuu hoos u dhigo filashooyinka faraha badan e uu ka qabo la kulanka Trump iyo garab istaaga buuxa ee uu ka filanayo nidaamka cusub ee Mareykanka.

Inkastoo Donald Trump uu yahay midii mudde xileedkiisii hore caasimada yuhuuda ka dhigay Qudus, hadana waxay dhanka kale saxiifadu ku warameysaa in Labada nin waa Natanyaahu iyo Trump-mee ay yihiin kuwa aanan siyaasad ahaan is jecleyn iskuna kalsooneyn, waana sababta madaxa sahaayinada loogula talinayo inuu yareeyo filashooyinka badan ka hor inta uusan kulanka la qaaday Trump.

Damacyada ugu horeeya ee uu Donald Trump ka hor istaagi doono Binyamin Natanyaahu waxaa kamdi ah ayey jariiradu leedahay, hurinta dagaal kale oo ka dhaca Qaza ama guud ahaan dhulka Filistiin, maadaama madaxa aqalka cad uu horay u muujiyey rabitaankiisa ku aadan inuu qaboojiyo xaalada bariga dhexe taasina ay ugu jirto dano dhowr ah sida inuu dib boorka uga jafo xiriirka Sucuudiga iyo maamulka gumeystaha yuhuuda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa hada indhaha lagu wada hayaa kulanka ay yeelan doonaan labadan nin maalmaha soo aadan, hadii Natanyaahu uu heli doono hamiyada ka dahx guuxaya iyo filashooyinka uu ka qabo Trump iyo ahdii uu weyn doonana iyadana waa su’aal Meesha ku jirta oo jawaabteeda la heli karo kadib fadhiga dhinacyada.

FAAFREEB PRO