Faransiiska oo Doonaya Inqilaab uu ku Sameeyo Dowladda Al-Jeeriya.

Dec 16, 2024

Dowladda Al-Jeeriya ayaa qarka u saran afgambi kaga imaan kara dhanka Faransiiska.

Sida ay daabacday saxiifada Blomberg xukuumada Paris ayaa isku dayeysa in ay sameyso inqilaab ay ku burburineyso xukuumada ka arimisa dalka Al-Jeeriya, iyadoo sirdoonka Faransiiska ayaa durbadiiba bilaabeen faragalino xoog leh, howgallo abaabulid iyo dhisida xoogo mucaarad ah.

Arintan ayaa lagu waramayaa iney kasoo askuntay damac ay Marooko ka lahayd dhulka saxaraha galbeedka Afrika ee lagu muransanyahay , taasoo ay si adag kaga soo horjeedsatay Aljeeriya, wixii markaas ka dambeeyey Marooko ayaa xiriir la sameysay Yuhuuda iyo Faransiiska si dameceedan loogu fuliyo, waana halkan Meesha ay Paris kasoo bilowday qorsheheedan hada ee ay dooneyso iney ku burburiso xukuumada Al-Jeeriya ee dhawaan lasoo dhisay.

Gaba gabadii dowladda Al-Jeeriya oo ka warheshay in gudaha wadanka laga wado abuurista jabhado cusub oo damacsan kacdoon iyo iney ridaan nidaamka, waxaa loo yeeray safiirka Faransiiska ee Al-Jeeriya iyadoona loo dhiibay digiin ku socta xukuumadiisa Paris, dhanka Morooko iyo yuhuudana iyaguna ilaa hadda kama hadal arinkan, balse sahaayinada ayaa Faransiiska marwalba u adeegsata gacan ay ku fushadaan danahooda muhiimka ah ee ka fog.

FAAFREEB PRO