FANO oo Sheegtay Inay soo Ridday Diyaarad Millateri oo ay Saarnaayeen Saraakiil Sare oo Itoobiyaan ah.

Jun 17, 2025

Kooxaha mucaaradka ee ka hawl-gala gudaha dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in ay soo rideen diyaarad millateri oo nooceedu yahay kuwa qummaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopterka oo ay lahaayeen ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya.

Sida ayay wararku tibaaxayaan diyaaraddan ayaa Axaddii lasoo dhaafay kusoo dhacday deggaan dhaca gobolka Amxaarada kadib markii ay toogteen maleeshiyaadka Fano, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ay soo xigatay warbaahinta maxalliga ah ee Ethio Focus.

Diyaaraddan oo si gaar ah ugu dhacday deggaanka Debresina ee degmada Dembia ee duleedka magaalada Gonder ayaa la sheegayaa in safarkeedu uu ku jihaysnaa magaalada Gorgora oo ku taalla dhinaca waqooyi ee harada Taana.

Ilo deggaanka ah ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqleen qarax aad u xooggan. Waxaanay wararku sheegayaan in diyaaraddu ay sidday saraakiil ka tirsan dowladda Xabashida Itoobiya, inkastoo magacyadooda aan lasoo bandhigin.

Mas’uuliyiin ka tirsan is-maamulka Amxaarada ee maqaar-saarka u ah maamulka Abiy Axmed ayaa xaqiijiyey dhacdadaasi, inkastoo ay ku tilmaameen shil dhacay kadib markii mid ka mida baalasha diyaaradda uu ku dhacay geed.

Sida ay xaqiijisay Warbaahinta Borkena diyaaraddan waxaa la socday saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Xabashida Itoobiya oo ay ka mid ahaayeen M/weynaha Itoobiya, R/Wasaare-ku-xigeenka Itoobiya, madaxweynaha ismaamulka Amxaarada iyo guddoomiyaha golaha federaalka ee baarlamaanka Itoobiya.

Mas’uuliyiintan ayaa magaalada Gonder kaga qayb-galay barnaamij ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Gonder, kuwaasi oo Isniintii shalayna warbaahinta dowladdu ay soo bandhigtay sawirradooda iyaga oo booqanaya goobo ku yaalla xarunta gobolka ee Bahir Dar.

Si kastaba ha ahaatee ilaa haatan khasaaraha dhacdadan si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo dhinaca dowladda Xabashida Itoobiyana aanay ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah aanay ka bixin heerka uu gaarsiisan yahay burburka diyaaradda.