Taliska Fano ee Bariga gobolka Axmaarada ayay wararku sheegayaan in sabtidii shalay weerar xooggan ku qaadeen ciidamada dawladda ee ku sugan jiidda hore ee Ambasel, ee koonfurta Wollo ee gobolka Axmaarada.
Khasaaraha dagaalkaasi ka dhashay ee soo kala gaaray labada dhinac ayaan weli si rasmiya loo helin, balse Fano ayaa soo bandhigtay sawir cusub oo muujinaya askar maxaabiis ah oo nolosha lagu qabtay, intii uu socday hawl-galka Ambasel.
Tobaneeyo askari oo ku labisan dirayska ciidanka difaaca ee Itoobiya ayaa sawirka laga dheehan karaa. Inkastoo millateriga Itoobiya aanay ka hadal sheegashada kasoo yeertay Fano.
Geesta kale warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay jabhadda Fano iyo ciidanka dowlada ee ku sugan qeybo ka mid ah Gojjam, Shewa iyo Gonder.
Taliska Fano ee dhinac galbeed ee gobolka Amxaarada ayaa maalmo ka hor sheegay in 170 askari oo ka tirsan ciidamada dowladdu ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaallo ka dhacay deggaanno ka tirsan Gojjam.
Tan iyo dhamaadkii bishii hore, waxaa soo baxay guullo millateri oo maleeshiyaadka Fano, ay kasoo hooyeen ciidanka Xabshida Itoobiya.
Mid ka mida guullaha ugu waaweyn ayaa ka dhacay aagga Beklomanekiya ee Waqooyiga Wollo halkaas oo dhegta dhiigga loogu daray in ka badan 470 askari oo ka tirsanaa millateriga Itoobiya. Halka 150 askari oo kalena nolosha lagu qabtay.