Ciidamada xukuumada Abiy Axmed ayaa gudaha Itoobiya ku wajahaya dhiig bax daran ka dib markii maleeshiyada Fano ay dardargaliyeen howlgaladooda ka dhanka ah maamulka Addis Ababa.
War ka soo baxay maleeshiyaadka FANO ayay guullo ka sheegteen dagaallo ka dhacay gobolka Amxaaradda, iyagoo shaaciyay in ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya, islamarkaana ay ku dileen boqollaal askari.
Ciidamada Itoobiya ayaa si daran ugu la’anaya dagaallada ka socda gudaha dalka, iyadoo dhanka kale maleeshiyaadka FANO ay sii kordhiyeen weerarrada xooggan ee ay ku beegsanayaa milliteriga Itoobiya.
Maleeshiyaadkan ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegtay guullo baaxad leh, waxayna daaha ka qaadeen in boqolaal askari oo Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaallada ka holcaya gobolka Amxaarada, sidoo kalena ay jiraan maxaabiis ciidan oo ay gacanta ku dhigeen.
FAAFREEB PRO