Fano iyo Ciidanka Itoobiya oo Markale ku Dagaalamay Ismaamulka Amhara.

Jun 21, 2025

Maleeshiyo ka tirsan jabhadda mucaaradka ah ee Fano ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo millatariga dowladda xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Shewarobit ee ismaamulka Amhara.

Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa iyadoo soo xiganaysa ilo wareed deegaanka ah sheegtay in weerarka oo ahaa mid ballaaran uu qarxay aroortii hore ee jumcihii, waxaana xerada la weeraray ka dhacay dagaal aad u culus oo saacado badan qaatay.

Jabhadda Fano waxay sheegtay in weerarka ay ku qaaday xerada ciidan ee kutaal Shewarobit ee dhacda Waqooyiga Shoa ku dishay askar badan oo ka tirsan ciidamada millatariga dowladda Itoobiya, sidoo kalena ciidankeeda ay gacanta ku dhigeen hub iyo agabyo ciidan.

Dhanka kale lama sheegin khasaaraha gaaray fallaagada weerarka qaaday ee ka tirsanaa Fano, balse weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli millatariga ay wajahayeen toddobaadyadii u dambeeyay weeraro culus oo is daba joog ah.

Dhanka kale maalinkii 4-aad oo xiriir ah waxaa socda dagaal aad u culus oo u dhexeeya fallaagada Fano iyo ciidanka millatariga, kaasi oo ka socda gobolka Wollo ee waqooyiga Amxaarada, waxaanu dagaalkan si gaar ah uga socdaa deegaanka Kolit Washa oo ka titsan degmada Meket, jabhadda Fano ayaana sheeganaysa inay guulo ka gaartay dagaalka socda.