Fadeexo dul Hooganeysa Nidaamka Trump Kadib Markii Madal Lagu Shirayey Lagu soo Daray Saxafi.

Mar 25, 2025

Maamulka Trump ayaa fadeexad xoogan la kulmaya kadib markii ay qaab aanan ku tala-gal ahayn madal xaga Intternet-ka ah oo la isku dhaafsanayey xog xasaasi ah ay kusoo dareen tafatire guud oo ka howlgala mid kamid ah wargeysyada ugu afka dheer guud ahaan galbeedka.

Sida uu saacadihii lasoo dhaafay wargeyska The Atlantic, madaxda ugu sarreysa ee amniga Mareykanka, sirdoonka, wasiirka difaaca iyo madaxweyne ku-xigeenka ayaa qaab aanan ku talagal ahayn waxay madasha Signel oo ay ku shirayeen waxay kusoo dareen Jeffrey Goldberg oo ah tafatirahaguud ee jariiradan The Atlantic, isagoona saacado badan saarnaa callka shirka dhuuxayna xogo badan oo la xiriira howgalada culus ee uu Mareykanku ka bilaabay gudaha dalka Yeman kuna beegsanayo kooxaha Xuuthiyiinta.

Jeffrey Goldberg ayaa sheegay in 2 saac ka hor inta aysan bilaaban howgalada Yeman uu xoghaya difaaca Mareykanka uu guruubkan soo dhigay xog sheegeysa nooca bambooyinka la isticmaalayo, bartilmaameedyada weerarka laga fulinayo iyo waqtiga la bilaabayo intuba, wuxuuna tafatirahan qaabka aan ku talagal ahayn meesha loogu soo daray uu sheegayaa inuu kasoo haray dhabana heysi maaddama xogtan xasaasiga ah ee amni uu goobjoog u yahay.

Mid ayaa lagu tilmaamay fadeexadii ugu weyn iyo fashilkii sirdoon ee ugu xumaa oo dul hooganaya nidaamka Trump ee aan wali 3 bil buuxsan, waxaana lagu eedeeyey in markii horaba ay qalad weyn ahayd in madal Internet ah la isku dhaafsado xog intan la eg oo xasaasi ah natiijada ka dhalatayna ay hadda tahay mida muuqata oo waatan banaanka uu keenay tafatirihii wargeyska The Atlantic.

Trump oo fadexeedan wax laga weydiiyey ayaa sheegay in isaga laftiisa uusan midan u heyn jawaab cad, maadaama warbixinnada xasaasiga ah iyo xogaha amni lagu wadaagi jiray kulamo toos ah iyo qolalka lagu gorfeeyo howlgallada la qaadayo.

FAAFREEB PRO