Faahfaahin: Maxaa Kasoo Kordhay Xaalada Degmada Baladxaawo ee Lagu Dagaalamayo.

Aug 11, 2025

Dagaalladaan oo u dhaxeeyey maleeshiyaat kala taabacsan kuwa ridada Jubaland, iyo kuwa kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ayaa shaley wuxuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tuullo Amiin oo dhacda duleedka Baladxaawo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka uu wato Cabdirashiid Janan ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaatka ridada ee Jubaland.

Dagaallo kooban kadib, maleeshiyaatka kooxda ridada Soomaaliya ayaa la wareegay goobta dagaalka, iyadoona maleeshiyaatka ridada Jubaland ay u firxadeen dhanka magaalada Manadheere ee dhulka NFD, kadib markii dagaalka lagu jabiyey.

Inta la xaqiijiyey dagaalladii shalay waxaa ku dhintay ku dhaawad ilaa 7 ruux oo dhinacyada dagaalamayey ah, kuwaasi oo isugu jiray saraakiil iyo askar, halka tiro intaasi ka badan ay dhaawacmeen.

Dhinaca maamulka ridada ee Jubaland ayaa dagaalladaasi looga dilay 2 sarkaal oo watay ciidankii u dagaalamayey Axmed Madoobe kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Giif oo ahaa taliyaha Booliska Jubaland ee Gedo, iyo Farxaan Odawaa oo ahaa taliyaha maleeshiyaatka Daraawiisha Jubaland ee Baladxaawo.

Sidoo kale, dagaalladii shaley waxaa ku dhaawacmay Aadan Dhafoorey oo ah taliyaha Booliska kooxda ridada ee Gedo, kaasoo la sheegay inuu soo gaaray dhaawac cusus.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey maleeshiyaat uu hoggaaminayey murtad Cabdirashiid Janan oo ku sugan saldhiggii laga qabtay maleeshiyaatka ridada Jubaland ee duleedka Baladxaawo.