War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Eritrea una dirtay ururka IGAD ayey ku ogeysiisay kuna sheegtay inay gebi ahaanba ka baxday xubinimadii ururkaas.
Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay ururka IGAD inuu ka tallaabsaday awoodihiisii uu lahaa, isla markaana uu ku guul-dareystay inuu wax la taaban karo u qabto dalalka xubnaha ka ah oo ay kamid tahay dowladda Eritrea.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Eritrea ayaa lagu yirri sidaan: ” “Eritrea waxay isu aragtay inay ku qasban tahay inay ka baxdo xubinnimada urur lumiyay waajibaadkiisii sharci iyo awooddiisii, isla markaana ku fashilmay inuu si wax ku ool ah uga qayb qaato xasilloonida gobolka.”
Go’aankan kasoo baxay dowladda Eritrea ayaa yimid xilli uu sii xoogeysanayo xiisada dagaal ee u dhexeeysa dowladaha Eritrea iyo Itoobiya.
Ururka IGAD ayaa ku guuldareystay inuu xal dhexdhigo Itoobiya iyo Eritrea kuwaasi oo hadda xiisadoodu ay gaartay in labada dhinac ay u xeedxeedanayaan dagaal dhexmara.