Eratariya oo mar Kale Jawaab Kulul ka Bixisay Sheegashada Itoobiya ee Dekedda Casab.

Nov 3, 2025

Xilli dawladda Xabashida Itoobiya ay xoojisay damaceeda badeed isla markaana ay sii laba-jibbaartay dedaalladeeda ku aaddan arrintaasi ayaa dawladda Eretariya ay mar kale ku celisay mawqifkeeda iyo go’aannada masiiriga ah ee saamaynta ku leh xeebaheeda.

Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay kusoo daabacday mareegteeda ku sheegtay in usbuucyadan u dambeeyey ay soo yeerayeen eedaymo aanay waxba ka jirin iyo xogo khaldan oo lagu marin-habaabiyo taariikhda Eretariya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyey in Eratariya ay tahay dal-xeebeed madax-bannaan, dekedaheeduna ay yihiin hanti qaran oo lama-huraan ah. Sidaas darteed, marnaba ma ogolaan karno ayaa lagu yiri qoraalka, faro-gelin kasta oo dibadeed ama cadaadis lagu doonayo in lagu wiiqo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Eretariya.

Wasaaradda Warfaafintu waxay sheegtay in Eratariya ay marar badan ku cel-celisay in dekeduhu ay yihiin arrin ganacsi iyo horumarineed, balse aysan ahayn arrin siyaasadeed ama ciidan. Waxaana lama huraan ah ayay tiri in la kala saaro sheegashooyinka gacan-ku-rimiska ah iyo xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

“Mar walba waa cad yahay mawqifka Eretariya, wax gorgortan geli karana ma aha…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, oo sidoo kalena ka digtay warar been abuur ah iyo sheekooyin la sameeyay oo ka dhan ah ayay tiri, fahamka dhabta ah ee Geeska Afrika.

Xiisada u dhaxeysa Eratariya iyo Itoobiya ayaa ka sii dareysay bilihii lasoo dhaafay. Usbuucii hore ayaanay ahayd markii Abiy Axmed uu si rasmi ah baarlamaanka Itoobiya uga hor sheegay in dekedda Casab sifo sharci-darro ah loogu wareejiyay Eritriya, isla markaana haatan ay ka shaqaynayaan qorshihii ay kusoo ceshan lahaayeen.