ECOWAS oo u Baqeysa Masiirkeeda Kadib ka Bixitaankii Maali, Burkiina Faso iyo Niger.

Dec 16, 2024

Kadib ka bixtaankii ECOWAS ee wadamada Maali, Niger iyo Burkina Faso ururuka ayaa u baqaya masiirkiisa soona saaray war ku socda dowladahan.

Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ECOWAS ayaa saddexdan waddan ee hoggaaminayaan militariga waxa uu ugu baaqay iney dib isugu laabtaan oo ay ka fiirsadaan go’aankoodii ahaa iney si dhameystiran uga baxayaan isbaheysiga.

ECOWAS ayaa u muuqata mid u baqeysa masiirkeeda iyo wujoodka ay ku leedahay galbeedka Afrika hadii safka ay faarujinaan dalalkan, maadaama Maali, Burkina Faso iyo Niger ay meel adag ugu jireen ururka ka bixitaankooduna uu yahay wax aanan sahlaneyn.

Sadaxdan wadan ayaa horaantii sanadkan shaaciyey iney ka bexeen ECOWAS iyagoona ku dhawaaqay yagleelida isbeheysi cusub oo ay ugu magac dareen confederation of sahel states, kaasoo ay ku tilmaameen xitaa iney uga maarmi doonaan ururada kale ee hoostaga dowladaha galbeedka.

FAAFREEB PRO