Duufaan ba’an oo wadata baraf aad u xooggan ayaa ku dhufatay waddanka Maraykanka, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 7 qof, iyo koronto la’aan soo wajahday in ka badan 800,000 oo guri.
Xaaladdan qallafsan ee kasoo korortay dhinaca cimilada ayaa lagu tilmaamay mid aad u halis badan oo suuragal ay tahay inay sii socoto muddo aad u dheer, isla markaana ay saamayn ku yeelato in ka badan kala-bar dadka ku nool waddanka Maraykanka.
Gobollada qaarkood ayaa ku dhawaaqay xaalad deg-deg ah, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay meelo badan oo Maraykanka ah la xiray dugsiyada iyo waddooyinka, isla markaana la baajiyey in ka badan 11,000 oo duullimaad.
Duufaantan oo kusoo aadday xilliga jiilaalka ayaa isugu jirta baraf culus, roob qabow, iyo dabaylo xooggan, iyadoo gobollada qaar laga soo sheegayo qabow daran oo heerkiisu aad uga hooseeyo sidii caadiga ka ahayd deggaannadaasi.
Khubaro dhinaca cimilada ah ayaa digniin ka bixiyay in halista ugu weyn ee duufaanku tahay barafka ka dhasha biyaha ama qoyaanka, kaasoo waxyeello u geysan kara geedaha, xarkaha korontada, isla markaana waddooyinka ka dhigaya kuwo halis ah.
Musiibooyinka rabbaaniga ee rabbi ku salliday gaallada Mareykanka ayaa sanad walba galaafta nolosha kumanaan kun oo saliibiyiin American ah iyo burbur dhaqaale oo baaxad leh.