Duqeymaha Ukrain iyo Xaalada Qaza Kadib Maxaa Gaajo iyo Xasuuq ah oo ka Socda Suudaan?

Aug 7, 2025

Wargeyska caanka ah ee El Mundo ee kasoo baxa dalka Spain ayaa iftiimiyay xaaladda aadka u liidata ee ka jirta Suudaan, iyadoo dagaalka sokeeye ee sii socda uu sababay musiibo bini’aadantinimo oo aad usii baaheysa marba marka ka dambeysa.

Inkasta oo indhaha caalamka ay ku mashquulsan yihiin dagaalka Ukraine iyo xasuuqa ka socda Qaza, haddana Suudaan waxay wajahaysaa xaalad aad u daran oo la tilmaamay inay tahay tan ugu xun dunida sida muuqata.

Dagaalka oo hadda galay sanadkii saddexaad, wuxuu sababay kumanaan dhimasho ah iyo malaayiin dad ah oo barakacay, magaalada Khartuum oo markii hore ahayd meel ay ku noolaayeen ilaa lix milyan oo qof, maanta waxay u egtahay magaalo cidlo ah iyadoo inta badan xaafadaha la burburiyay.

Waxa kale oo jirta in biyo la’aan daran ay saameyneyso ilaa 60% xaafadaha magaaladaas muddo labo sano ah.

Gobolka Darfur, gaar ahaan magaalada Al-Fashir ayaa noqotay mid si daran u go’doonsan kadib markii ay ciidanka taageerada degdega ah (RSF) muddo dheer ku hareereeyeen halkaas.

Dadka deegaanka ayaa wajahaya xaalado adag oo dhanka caafimaadka, gaajo iyo cabsi leh, waxaa la soo sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ugu yaraan 14 qof lagu dilay isku day ay ku doonayeen inay ka baxsadaan magaalada la go’doomiyay.

Cudurrada faafa sida koleraha ayaa sii kordhaya, magaalada Taweela ee Waqooyiga Darfur oo hoy u ah in ka badan nus milyan qof oo barakacayaal ah, waxaa laga diiwaan geliyay in ka badan 1180 kiis oo kolera ah, iyadoo ugu yaraan 20 qof ay u dhinteen saacadihii lasoo dhaafay, 300 ka mid ahna ay yihiin carruur, Guud ahaan gobolka Darfur, waxaana si guud la xaqiijiyay 2140  xaaladood oo cudurka ah iyo 80 dhimasho.

Dadka rayidka ah gaar ahaan carruurta iyo haweenka ayaa ah kuwa ugu nugul ee saameynta dagaalka iyo cudurrada, dhaqaatiirta maxalliga ah ayaa sheegay in gaajada ay ka khatarsan tahay rasaasta iyo duqeymaha, taasoo muujinaysa heerka halista ee xaaladda Suudaan.

Warbixinta El Mundo waxay farriin cad u diraysaa caalamka iyo sida Suudaan ay u sii noqoneyso mid lasii ilaabayo marba marka ka dambeysa, Qaza kadibna muslimiinta Suudaan ayaa hada wajaha xaalado aan la cabiri karin.

FAAFREEB PRO