Dowladda saliibiyada ah ee Uganda ayaa shaacisay in todobo askari oo ka tirsanaa ciidamadeeda lagu dilay gudaha Soomaaliya, kadib dagaal socday muddo saddex maalmood ah oo ka dhacay wilaayada Shabeellaha Hoose mujaahidiintuna ay hurmuudka u hayeen.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda ayaa lagu sheegay in ciidamadaasi ay ku dhinteen intii lagu guda jiray dagaal culus oo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeellaha Hoose, halkaas oo muddo saddex maalmood ah ay ku go’doon sanaayeen.
Afhayeenka ciidamada Uganda gaalka lagu magacaabo Felix Kulayigye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada askartan, isagoo yiri: “Nasiib darro, toddobo askari ayaa nooga dhimatay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya.”
Weerarkii Duleedka Afgooye iyo camaliyadii barakaysneed ee dhabarka looga jabiyay cadawga ayaa waxaa ay imaaneyaan xilli ay sii kordhayaan weerarada ay ciidamada mujaahidiinta ka fulinayaan qaybo ka mid ah dalka, taasoo abuurtay cabsi iyo dib-u-gurasho ka socota safka ciidamada shisheeye iyo kuwii dabadhilifyada ahaa.
Qirashada Uganda ee khasaaraha askarteeda waxay muujinaysaa culayska sii kordhaya ee ay wajahayaan ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya, islamarkaana uu haysto culeys ciidan iyo mid miisaaniyadeed intaba, ayna usii dheer tahay weerarada ay kala kulmaan libaaxyada tawxiidka.
FAAFREEB PRO