Dowladda Ridada Soomaaliya ayaa markii ugu horraysan sheegtay in ay yaraatay taageeradii ay ka helaysay dowladaha shisheeye ee qeybta ka ah duullaanka Saliibiga ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Mas’uul sare oo katirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Villa Somalia ayaa sheegay in dagaalka culus ee ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab uu halis weyn ku yahay xukuumadooda isagoo muujiyay walaaca uu ka qabo waxtar la’aanta taageerada ay ka helaan waxa loogu yeero beesha caalamka.
Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda kana mid ah gacan yarayaasha Xasan Gurguurte ayaa usheegay wargeys laga leeyahay wadanka Qadar in dowladdiisu ay weeraro isdaba joog ah kala kulmayso wax uu ugu yeeray Argagaxisada ugu awoodda badan qaaradda Afrika oo uu ula jeedo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
“Waxaan dagaal caalami ah kula jirnaa Argagaxiso sidaas oo ay tahay sidii loo baahnaa uma helno taageerada saaxiibada caalamiga ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumada Xasan Gurguurte.
Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay baaqyada kasoo yeeraya diblumaasiyiin iyo falanqeeyaal reer galbeed ah kuwaas oo soo jeedinaya in Mareykanka iyo xulufadiisu ay soo afjaraan dagaalka waqtiga dheer qaatay ee ka socda Soomaaliya isagoo muujiyay in aan marnaba dagaalka lagusoo gaba gabeyn karin wadahadal.
Hadalka kasoo yeeray wasiirkan katirsan kooxda Ridada ee uu uga cabanayo in taageerada ay ka helaaan dowlado ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga aysan waxba utarin ayaa kusoo aadaya xilli maalinkii Axada ee lasoo dhaafay ay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Maxaas ee bartamaha Soomaaliya.