Dowladda Masar oo Hanjabaad Culus Kasoo Saartay Biyo-xireenka Itoobiya ka Dhisatay Webiga Niil.

Oct 22, 2025

Dowladda Riddada Masar ayaa xaqiijisay in gebi ahaanba ay soo xirmeen albaabadii diblomaasiyadeed ee xallinta khilaafaadka ku saabsan biyo-xireenka Al-Nahda ee dawladda Saliibiyadda Itoobiya ay ka samaysatay webiga Niil.

Murtad Badar Cabdul-Caadi oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar, oo lagu waraystay barnaamij la dhaho Diplocast ayaa mar kale shaaca ka qaaday in dawladda Xabashida Itoobiya ay fashilisay wada-xaajoodkii muddada dheer soo jiitamayay ee ku saabsanaa xal-ka-gaarista khilaafka ka aloosan biyo-xireenka Al-Nahda.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyey dawladda Itoobiya madax adayg iyo diidmo qayaxan oo ay kala hor-timid u-hoggaansanka wax uu ku sheegay shuruucda caalamiga ah. Isla markaana waxay ku adkaysatay ayuu yiri in ay ku dhaqanto siyaasad hal dhinac ah oo cidna aanay u joojin.

Waxa kale oo wasiirka Arrimaha dibadda ee Masar uu ka sanqariyey in dowladda Itoobiya ay gabi ahaanba daadafaysay mabaadi’da wada-shaqaynta iyo bixinta ogaysiis hore marka ay tallaabooyin qaadeyso, si loo hubiyo in cidna aanay waxyeello u soo gaarin, taas ayaana sababtay ayuu yiri in wada-hadalladii diblomaasiyadeed ay gabi ahaanba burburaan.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey in dawladda Masar ay si cad u sheegtay in aysan marnaba ka tanaasuli doonin difaaca xuquuqdeeda taariikhiga ah ee biyaha webiga Niil, isla markaana ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si ay u ilaaliso danaha muhiimka ah ee dalkeeda.

Madaxweynaha Masar C/Fataax As-siisi oo isna dhawaan ka hadlay arrintan ayaa ku goodiyey in aanay gacmaha ka laaban doonin ficillada Itoobiya, waxaanay hanjabaaddahan iska soo daba-dhacaya ee kasoo yeeraya madaxda Riddada ee dawladda daba-dhilifka ah ee Masar ay imanayaan xilli dawladda Xabashida Itoobiya ay dhawaan ka fara-xalatay dhamaystirka mashruuca biyo-xireenka Al-Nahda oo dhismihiisu socday muddo ku dhow 15 sano.