Dowladda Mareykanka oo Ceyrisay Safiirkii Koonfurta Afrika Ufadhiyay Washington.

Mar 16, 2025

Dowladda Mareykanka ayaa ceyrisay safiirkii Koonfurta Afrika ufadhiyay magaalada washington xilli khilaafka labada dowladood uu gaaray meeshii ugu xumeed.

Sida lagu waramayo xukuumada uu hogaamiyo Donald Trump ayaa ceyrisay Ibrahim Rasool oo ahaa safiirkii Koonfur Afrika u fadhiyey Mareykanka, ilaa hadana lama shaacin sababta iyo waxa ay salka ku heyso talaabadan.

Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in wax laga xumaado ay tahay arinkan uu ku kacay nidaamka Trump, iyadoona baaq digniin ah u dirtay dhamaan dhiblumaasiyiinteeda kale ee ku sugan gudaha Mareykanka.

Labadaan xukuumadood xurguftooda ayaa hadda u muuqata mid meel sarre gaartay, xilli dhanka kale xogo soo baxayey todobaadyo ka hor ay sheegayeen in madaxweynaha Mareykanka uu doonayo inuu gacanta ku dhigo macdanta qaaliga ah ee Koonfur Afrika waliba si lamid ah sida uu hadda ugu dadaalayo helitaanka mida uu qaniga ku yahay dalka Ukrain.

FAAFREEB PRO