Dowlada Ridada Imaaraatka Carabta oo Sheegtay in Ciidamadeeda ay ka Saari Doonto Waddanka Yemen

Dec 31, 2025

Dowladda daba-dhilifka ah ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa si rasmiya u shaaciyey in ciidamadii uu ka saari doono waddanka Yemen, kadib digniin adag oo la siiyey.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka ayaa sheegtay in go’aanka bixitaanku uu ka dhashay xaaladaha soo cusboonaaday oo ay ka waddo duqaynta Sacuudiga iyo sida ay u saameyn karaan ammaanka iyo hawlgallada ka-hortagga waxa loogu yeero argagixisada.

Bayaankan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee isu-tagga Imaaraadka Carabto oo magaceeda loo soo gaabiyo WAM, ayaan lagu sheegin xilliga iyo goorta ay ciidamada Imaaraadku ka baxayaan waddanka Yemen.

Gelinkii hore ee shalay , hoggaamiyaha golaha madaxtooyada Yemen ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah kadib duqeyn uu hoggaaminayay maamulka Aal Sacuud oo lagu beegsaday dekedda koonfureed ee Mukalla.

Sacuudiga ayaa sheegtay in duqeynta lagu beegsaday rarka saanad hub ah oo ka timid Imaaraadka Carabta, oo loogu talagalay inay gaarto kooxda Imaaraadka gacan-saarka la leh ee STC ee koonfurta Yemen oo doonaya inay ka go’aan dalka intiisa kale.

Kooxdan ayaa dagaal kula jirta dawladda dhexe ee Yemen ee Sacuudigu uu taageero, isagoo Imaaraadku uu bayaan saacado ka hor soo saaray ku beeniyey in saanad hub ah lagu burburiyey duqayntii uu Sacuudigu ka fuliyey Mukalla.