Donald Trump oo Soo Saaraay Amar Lagu Xirayo Warbaahinta VOA

Mar 17, 2025

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa soo saaray amar xaddidaya ama baabi’inaya shaqada idaacadda codka Maraykanka ee VOA iyo hay’ado kale oo dowlada hoos-taga

Shalay ayaa si ku-meel-gaar ah loo kala diray suxufiyiintii ka hawl-geliyey laamaha kala duwan ee Idaacadda VOA, iyo wariyeyaal kale oo Maraykanku uu maal-gelin jiray.

Sidoo kalena waxaa si lama filaan ah isla markiiba loo xayiray xarumo warbaahineed oo muddo dheer u shaqaynayay Maraykanka.

Boqollaal wariyeyaal ah iyo shaqaale kale oo ka kala tirsanaa idaacadda VOA iyo warbaahinno kale ayaa lagu war-geliyey in maalmo gudahood ay kusoo wareejiyaan warqadaha saxaafadda, telefoonnada xafiisyada iyo qalab kale.

“Waxaan aad uga xumahay in markii ugu horreysay muddo 83 sano ah la aamusiyo idaacadda Voice of America…” ayuu yiri Michael Abramowitz oo ah agaasimaha VOA.

Agaasimaha oo qoraal kooban oo arrintan uu kaga hadlayo soo dhigay bartiisa linkedin ayaa sheegay in shalay aroortii uun uu ku war-helay in la kala fasaxay shaqaallihii idaacadda oo ka badnaa 1,300 oo qof.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo lagu magacaabo Harrison Fields, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X, aad ugu jees jeesay Idaacadda VOA oo wax ku tebin jirtay afaf kala duwan oo Luuqadda Soomaaligu ay ka mid ahayd.

Laanta AF-Soomaaliga ee VOA-da oo dadka qaar ay u yaqaaneen Duryan ayaa si gaar ah ugu jihaysnayd suurad-xumaynta Jihaadka ka socda bariga Afrika, waxaanay haatan u muuqataa mid fashilantay oo ku guuldarraysatay beentii iyo burunbagaandadii ay muddada badan tabinaysay.

Fuuq-baxa Millateri iyo midka dhaqaalle ee Maraykanku kala kulmay saaxaadka Jihaadka ayaa ku sandullaysay inuu bilaabo dibu-gurasho dhan walba ah oo ay ugu dambasay go’aannadan uu kasoo saaray warbaahintii uu dhaqaallaha ku siin jiray faafinta beenta iyo dacaayadaha raqiiska ah.